XAASHIDA MACLUUMADKA DAWADA: WARBIXIN KU SOCOTA ISTICMAALAHA



Σχετικά έγγραφα
XAASHIDA MACLUUMADKA DAWADA: WARBIXIN KU SOCOTA ISTICMAALAHA

Buugani wuxuu ka hadlayaa p-pillerkaga cusub Yaz. Waa muhiim in aad akhrisid inta aadan bilaabin kan ugu horeeya ee khariidadda p-pillerka.

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Vimpat 10 mg/ml διάλυμα προς έγχυση Λακοσαμίδη

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΦΥΛΛΟ Ο ΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ. DUVAXYN WNV Ενέσιµο γαλάκτωµα για άλογα

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Mjølnerparken.Mjølnerparken

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Spinraza 12 mg ενέσιμο διάλυμα. nusinersen

ΦΥΛΛΟ Ο ΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ. Dicural 150 mg επικαλυµένα δισκία για σκύλους.

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ Cerenia 10mg ανά ml ενέσιμο διάλυμα για σκύλους και γάτες

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ (ΠΡΟΓΕΜΙΣΜΕΝΗ ΣΥΡΙΓΓΑ)

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Altargo 10 mg/g αλοιφή. Ρεταπαμουλίνη

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ Cerenia ταμπλέτες για σκύλους

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Integrilin 0,75 mg/ml διάλυμα για ενδοφλέβια έγχυση επτιφιμπατίδη

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Fampyra 10 mg δισκία παρατεταμένης αποδέσμευσης φαμπριδίνη

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Fampyra 10 mg δισκία παρατεταμένης αποδέσμευσης φαμπριδίνη

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΕΩΣ ΓΙΑ:

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ: ΠΛΗΡΟΦΟΡΙΕΣ ΓΙΑ ΤΟΝ ΧΡΗΣΤΗ. Faslodex 250 mg ενέσιμο διάλυμα Fulvestrant

SADDEXDA ASAL IYO DALIILAHOODA WAXAA ALIFAY: SHEEKH MAXAMED BIN CABDULWAHAAB

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Spinraza 12 mg ενέσιμο διάλυμα. nusinersen

Xeerka. Dhaqanka. Dabeecada iyo taageerada

W/Q: C/nuur C/qaadir Maxamed

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ ProMeris Spot/on για γάτες

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη Faslodex 250 mg ενέσιμο διάλυμα Fulvestrant

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΕΩΣ Onsior 6 mg δισκία για γάτες

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. DIFICLIR 200 mg επικαλυμμένα με λεπτό υμένιο δισκία fidaxomicin

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ: ΠΛΗΡΟΦΟΡΙΕΣ ΓΙΑ ΤΟΝ ΧΡΗΣΤΗ. Protopic 0,1% Αλοιφή Τακρόλιμους μονοϋδρική

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. DIFICLIR 200 mg επικαλυμμένα με λεπτό υμένιο δισκία fidaxomicin

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Soomaaliya. Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka Soomaaliya 2002 THE WORLD BANK. Public Disclosure Authorized. Public Disclosure Authorized

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

B. ΕΣΩΚΛΕΙΣΤΟ ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΕΩΣ

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ Dicural επικαλυμένα δισκία για σκύλους.

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΕΩΣ Onsior 5 mg δισκία για σκύλους Onsior 40 mg δισκία για σκύλους

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Vimpat 150 mg δισκία επικαλυμμένα με λεπτό υμένιο Vimpat 200 mg δισκία επικαλυμμένα με λεπτό υμένιο

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Vimpat 10 mg/ml διάλυμα προς έγχυση Λακοσαμίδη

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Doribax 500 mg κόνις για διάλυμα προς έγχυση δοριπενέμη

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ. Poulvac E.coli Λυόφιλο εναιώρημα για εμβολιασμό με ψεκασμό στα κοτόπουλα.

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Qutenza 179 mg δερματικό επίθεμα καψαϊκίνη

ΦΥΛΛΟ Ο ΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ Dicural 50 mg/ml ενέσιµο διάλυµα για βοοειδή και σκύλους.

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. ECALTA 100 mg κόνις για πυκνό σκεύασμα για παρασκευή διαλύματος προς έγχυση Anidulafungin

ΖΩΓΡΑΦΙΖΩ ΤΗΝ ΕΥΡΩΠΗ. Συμβούλιο της Ευρωπαϊκής Ένωσης

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Galafold 123 mg σκληρά καψάκια Μιγαλαστάτη

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Rotarix πόσιμο εναιώρημα σε προγεμισμένη συσκευή για πόσιμη χρήση Εμβόλιο ροταϊού, με ζώντες ιούς

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ Stronghold Διάλυμα για επίχυση σε σημείο

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Zeffix 100 mg επικαλυμμένα με λεπτό υμένιο δισκία λαμιβουδίνη

ΠΑΡΑΡΤΗΜΑ Ι ΠΕΡΙΛΗΨΗ ΤΩΝ ΧΑΡΑΚΤΗΡΙΣΤΙΚΩΝ ΤΟΥ ΠΡΟΪΟΝΤΟΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ: ΠΛΗΡΟΦΟΡΙΕΣ ΓΙΑ ΤΟΝ ΧΡΗΣΤΗ. AZILECT 1mg δισκία Ρασαγιλίνη

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ Helicobacter Test INFAI 75 mg Κόνις για πόσιμο διάλυμα

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Vyndaqel 20 mg μαλακά καψάκια Tafamidis μεγλουμίνης

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

500 mg/ 500 mg/500 mg. 500/500mg. 500 mg/500 mg. 500 mg/500 mg. 500 mg

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή

TOLKEBISTAND - GEBYR FOR TOLKEBISTAND TIL PERSONER, DER HAR BOET I DANMARK I MERE END 7 ÅR

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

L 87/96 Επίσημη Εφημερίδα της Ευρωπαϊκής Ένωσης

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. ellaone 30 mg δισκίο Ulipristal acetate

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο Οδηγιών Χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Zinforo 600 mg κόνις για πυκνό σκεύασμα για παρασκευή διαλύματος προς έγχυση Φοσαμιλική κεφταρολίνη

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΕΩΣ. Onsior 20 mg/ml ενέσιμο διάλυμα για γάτες και σκύλους.

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Betmiga 50 mg δισκία παρατεταμένης αποδέσμευσης. Μirabegron

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ: ΠΛΗΡΟΦΟΡΙΕΣ ΓΙΑ ΤΟΝ ΧΡΗΣΤΗ. Tamiflu 30mg σκληρά καψάκια Tamiflu 45 mg σκληρά καψάκια Oseltamivir

ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΕΩΣ Onsior 6 mg δισκία για γάτες

ΑΠΟΦΑΣΗ ΤΗΣ ΕΠΙΤΡΟΠΗΣ

ΦΥΛΛΟ Ο ΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ. FEVAXYN PENTOFEL, ενέσιµο διάλυµα για γάτες

Norvasc 5 mg - Tabletten 5 mg Δισκίο Από του στόματος. 10 mg Δισκίο Από του στόματος. Norvasc 10 mg - Tabletten. Norvasc 10 mg Δισκίο Από του στόματος

Transcript:

XAASHIDA MACLUUMADKA DAWADA: WARBIXIN KU SOCOTA ISTICMAALAHA Zoely Kiniin-dahaarle 2,5 mg/1,5 mg ah Nomegestrolacetat/estradiol Si taxadir leh u akhri xaashidan macluumaadka ka hor inta aanad bilaabin isticmaalka dawadan. - Kaydso xaashidan macluumaadka, waad u baahan kartaa in aad mar kale akhrido eh. - Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga/umulisadaada ama shaqaalaha farmasiiga. - Daawadan adiga ayaa laguu qoray. Ha siin dad kale. Way dhaawici kartaa iyaga, xiitaa haddii calaamadaha ay isku arkeen u egyihiin kuwaaga. - Haddii waxyeellooyinka qaarkood kugu xumaadaan ama aad aragto waxyeellooyin aan lagu xusin warbixintan, la xiriir dhakhtarka/umulisadaada ama shaqaalaha farmasiiga. Xaashidan macluumaadka dawada, waxad ka helaysaa warbixin ku saabsan: 1. Waa maxay Zoely, maxaase loo isticmaalaa? 2. Ka hor inta aanad isticmaalin Zoely 3. Sida aad u isticmaalayso Zoely 4. Waxyeellooyinka ka iman kara 5. Sida loo xafidayo Zoely 6. Macluumaad kale 1. WAA MAXAY ZOELY, MAXAASE LOO ISTICMAALAA? Zoely waa p-piller loo isticmaalo si looga hortago uurka. Dhammaan 24ka kiniin-dahaarle ee cadcadi waa kiniinno shaqaynaya oo ay ku jiraan laba hormoon oo ah kuwa jinsiga haweenka. Kuwaasi waxay kala yihiin nomegestrolacetat (oo ah gestagen) iyo estradiol (oo ah osterjeen). 4-ta kiniin ee jaallaha ahi waa kiniinno aan shaqaynayn oo aanay ku jirin wax hormoonno ah, waxana lagu magacaabaa placebotabletter kiniinno qancin ah. Kiniinka ka hortagga uurka (p-piller) ee ay ku jiraan laba hormoon oo kala duwan sida Zoely waxa lagu magacaabaa Kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka Estradiol oo ah osterjeenka ku jirta Zoely, waxay isku mid yihiin hormoonka ku samaysma ugxansideyaasha muddada wareegga caadada gudaheeda bogga 1 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Nomegestrolacetat oo gestagen-ka (xiitaa lagu magacaabo gulkroppshormonet) ku jira Zoely, wuxu ka soo jeedaa hormoonka borojestaroon. Borojestaroon-ku wuxu ku samaysmaa ugxansideyaashaada muddada wareegga caadada dhexdeeda. 2. Ka hor nta aanad isticmaalin ZOELY Ha isticmaalin Zoely: Warbixin guud Inta aanad bilaabin isticmaalka Zoely wuxu dhakhtarkaagu/umulisadaadu ku su aali doonaan su aalo ku saabsan taariikh-cudureedkaaga gaarka ah iyo kuwa qaraabadaada kuu dhow. Dhakhtarku/umulisadu waxa kale oo uu cabbiri doonaa cadaadiska dhiiggaaga, waxanu samayn doonaa baaritaanno kale ayada oo kolba laga duulayo xaaladdaada shakhsiga ah. Xaashidan macluumaadka dawada waxa lagu qeexayaa xaalado kala duwan oo macnahoodu yahay in aad joojiso qaadashada kiniinkaaga ka hortagga uurka ama in difaaca uurka ee kiniinku (p-piller) ahaan karo mid hoos u dhacay. Xaaladaha noocaas ah, waxad yeelaysaa in aad ka fogaato galmo ama aad isticmaasho difaac dheeraad ah oo aanay ku jirin hormoonno, sida kondhom ama wax kale oo hab xannibeed ah. Ha isticmaalin wakhtiyada ammaanka ah ama hababka cabbirka heerkulka. Hababkaasi waxay noqon karaan qaar aan lagu kalsoonaan karin, maxaa yeelay kiniinka p-pillerku waxay saameeyaan isbedellada caadiga ah ee heerkulka jirka iyo qoyaanka dhuunta makaanka ee soo baxa muddada wareegga caadada dhexdeeda. Si la mid ah hormoonada kale ee lidka uurka, ma difaacayso Zoely infakshanka HIV (Aids) ama cudurada kale ee galmada lagu kala qaado. Xaaladaha qaarkood ma isticmaalaysid kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka Haddii xaaladaha soo socda midkood ku quseeyo, u sheeg dhakhtarkaaga/umulisadaada. Waxay kugula talin karaan in aad isticmaasho hab xakameyn uuraysi oo kale (oo aan ahayn hormoon). Haddii aad ellerji (xasaasiyad) ku leedahay estradiol ama nomegestrolacetat ama wax ka mid ah maaddooyinka kale ee ay ka samaysantahay Zoely. Haddii aad qabto (ama uu mar uun kugu dhacay) dhiig-xinjirowku samaysmo xididdada dhiigga midkood ee lugaha (dhiig-xinjirow ku dhac dhiig-arooriyaha) sambabada( lungemboli) ama xubin kale. Calaamadaha suurtogalka ah ee dhiig-xinjirowga ka fiiri qaybta 2 ee Dhiigxinjirow (trombos). Haddii uu mar uun kugu dhacay wadno-xanuun ama maskax-wareen/ stroke Haddii aad qabto (ama ay mar uun kugu dhacday) xaalad noqon karta calaamad hordhac ah oo wadno-xanuun (tusaale ahaan xididdo-kog lagu garanayo naaso-xanuun daran) ama maskax-wareen/stroke (oo ah qabashooyin koobkooban oo ka dhasha ogsajiin ku yaraata maskaxda [waa TIA- oo ah maskax-qallal yar]). Haddii aad qabto xanuun kor u qaadi kara halista dhiih-xinjirowga ku yimaadda halbowleyaasha dhiigga. Taasi waxay qusaysaa cudurada soo socda: bogga 2 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Macaan ay xididdada dhiiggu la dhaawacmeen Dhiig kar aad u sarreeya Heerar aad u sarreeya oo subagyada dhiigga ah ( kolestrerol iyo triglycerider) Haddii aad qabto xanuun saamaynaya awoodda dhiiggu u leeyahay inuu adkaado sida la aanta protein C. Haddii aad qabto ama uu kugu dhacay nooc ka mid ah dhan-jafka lagu magacaabo migrän med aura ; Haddii aad qabto ama uu xanuun kaaga dhacay qanjidhka ganaca (pankreatit) isla markaana aad leedahay heerar sarreeya oo subagyada dhiigga ah. Haddii aad qabto ama uu hore kugu dhacay beer-xanuun khatar ah oo aanu beerkaagu weli u shaqaynayn si caadi ah. Haddii aad qabto ama ay hore kaaga dhacday beerka buro-caanood ama buro-bahalaad. Haddii aad qabto ama uu kugu soo dhacay ama aad tuhunsantahay in aad qabi karto kaansarka naasaha ama macdanta. Haddii aad qabto dhiigfuran macdanta ah oo aan la garanayn sababta. Haddii xaaladahaas midkood kugu bilowdo marka aad isticmaasho Zoely, waa in aad dhakhso u joojiso camaliyadda oo aad la xiriirto dhakhtarkaaga. Muddadaas dhexdeeda waxa isticmaali doontaa ka hortag uuraysi oo aanay ku jirin hormoonno. Xiitaa ka fiiri Warbixin guud qaybta 2 ee kore. Taxadir gaar ah ka samee Zoely Marka ay tahay in aad la xiriirto dhakhtar La xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah: Haddii aad isbedel ka dareento caafimaadkaaga, gaar ahaan haddii ay xiriir la leedahay xaaladaha lagu xusayo xaashidan macluumaadka dawada (sidoo kale fiiri qaybta 2 ee Ha isticmaalin Zoely ; sidoo kale ha illoobin isbedellada xaaladda caafimaad ee qoyskaaga kuugu dhadhow). Haddii aad naaska ka dareento buro Haddii aad yeelato astaamo caanp-gocato sida barar ah wejiga, carrabka ama dalqada, haddii ay wax liqistu kugu adkaato ama aad yelato finan gubtaanyo oo ay weheliyaan neefqabatow. Haddii aad isticmaasho dawooyin kale (sidoo kale fiiri qaybta 2 Isticmaalka dawooyin kale ) Haddii aad wakhti kooban noqonayso bilaa dhaqdhaqaaq ama qalliin lagugu samayn doono (u sheeg dhakhtarkaaga ugu yaraan afar wiig ka hor qalliinka) Haddii aad yeelato dhiigfuran lama filaan ah oo daran oo xagga macdanta ah Haddii aad illowday kiniinnada laba ama ka badan oo ah khariidadda koowaad ee kiniinnada, isla markaana aad galmo samaysay todobadii maalmood ee ka horreeyey gudahooda (sidoo kale fiir qaybta 3 ee haddii aad illowdo in aad bogga 3 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

qaadato Zoely ) Haddii aad yeelato shuban daran Haddii aanad helin wax caado ah oo aad tuhunto inaad uuraysatay (ha bilaabin khariidadda kiniiniga ee ku xigta ilaa aad la hadasho dhakhtarkaaga/umulisada, sidoo kale fiiri qaybta 3 ee haddii caadadi baaqato mar ama marar badan ) Jooji in aad qaadato kiniinadaada oo dhakhso ula xiriir dhakhtar haddii aad aragto dhowr calamadood oo dhiig-xinjirow. Astaamaha waxa lagu qeexayaa qaybta 2 ee Dhiigxinjirowyada (Trombos) Xaaladaha qaarkood waxad u baahantahay in aad si weyn u taxadirto marka aad isticmaalayso kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka. U sheeg dhakhtarkaaga/umulisadaada haddii waxyaalahan soo socda midkood ku quseeyo. Sidoo kale waxa qasab ah in aad u sheegto dhakhtarkaaga/umulisadaada haddii xaaladaas midkood sii socdo ama sii xumaado muddada aad isticmaalayso Zoely: Haddii aad qabto caano-gocato hidde ah. Dhakkhso ula tasho dhakhtarkaaga haddii aad yeelato astaamo caano-gocato, sida barar ah wejiga, carrabka ama dalqada, haddii liqitaanku kugu adkaato ama finan ay weheliyaan neefqabatow. Alaabooyinka ay ku jirto osterjeen waxay kicin kartaa ama sii xumayn kartaa caano-gocatada. Haddii qof qaraabo dhow kuu ahi qabo ama mar uun qaaday kansarka naasaha Haddii aad qabto qallal/suuxdin /fiiri qaybta 2 ee Isticmaalka dawooyin kale ) Hadii aad qabto beer-xanuun (sida indhaceeye/joonis/cagaarshow) ama xannuunada xammaytida (sida dhagaxa xammaytida) Haddii aad qabto macaan Haddii aad qabto qulub Haddii aad qabto cudurka Crohn ama ulcerös kolit (waa cudur mindhicireed barar leh oo aan laga bogsan) Haddii aad qabto SLE (systemisk lupus erythematosus; oo ah cudur saamayn ku yeesha difaacaaga jirka ee dabiiciga ah) Haddii qabto HUS (hemolytiskt uremiskt syndrom, oo ah cudur saamayn ku yeesha awoodda dhiigga ee ah inuu adkaato, waxaanu sababaa kelyo xanuun). Haddii aad qabto sicklecellanemi (waa cudur hidde ah oo saameeya dhiigga cas) Haddii aad qabto dux badan oo xagga dhiigga ah (hypertriglyceridemi) ama uu (caadi kuu yahay hypertriglyceridemi). Haddii arrinku sidaas yahay, waxad halis weyn ugu jiri kartaa in uu xanuun kaaga dhaco qanjidhka ganaca(pankreatit) marka aad isticmaasho kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka. Haddii aad qabto xaalad markii ugu horraysay kugu soo baxday ama kugu sii xumaatay uurka dhexdiisa ama markii aad hore u isticmaashay hormoonnada jinsiga (sida dhega-cuslaan, porfyri oo ah [xanuun dhiiga ku dhaca], herpea gestationis [oo ah maqaar ka soobax biyo ku jiraan oo soo baxa uurka dhexdiisa], Sydenhams chorea [oo ah xanuun neerfaha ku dhaca oo leh dhaqdhaqaaq jireed oo bilaa ikhtiyaar ah], fiiri qaybta 2 marka ay tahay in aad la xiriirto dhakhtar ). Haddii aad qabto ama uu kugu dhacay kloasma (oo ah baro-baro maqaarka ah, waa kuwa loo yaqaan haaraha uurka, gaar ahaan wajiga); haddii ay taasi jirto iska ilaali iftiinka badan ee qorraxda iyo fallaaraha ultraviolet. bogga 4 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Haddii aad mari doonto qalliin ama aad waadh geli doonto wakhti dheer (fiiri qaybta 2 Dhiig-xinjirow (Trombos) ). Dhiigxinjirow (trombos) Dhiigxinjirow ku dhaca dhiig-arooriye Dhiigxinjirow ku dhaca dhiig-arooriye (Dhiigxinjirowga arooriyaha) wuxu xannibi karaa arooriyaha. Kaasi wuxu ku dhici karaa lugaha, sambabada (lungemboli), ama xubin kale. Dumarka isticmaalaha kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka waxay halis weyn ugu jiraan inuu ku dhaco dhiig-xinjirowka badan ka dumarka aan isticmaalin kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka. Halista in uu Dhiigxinjirow kaaga dhaco dhiig-arooriyaha waxay ugu badantahay sanadka koowaad ee qofka dumar ahi ay isticmaalayso kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka. Halistu ma aha mid u weyn sida halista dhiig-xinjirowga uurka dhexdiisa. Halista ah in qof dumar ah oo isticmaasha kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka uu ku dhaco dhiig-xinjirow arooriye, waxay sii badanaysaa: Marka da du sii weynaato Haddii aad qabto qof qaraabo dhow ah oo yaraantiisii uu dhiig xinjirow kaga dhacay lugta, sambabka ama xubin kale. Haddii miisaankaagu aad u culusyahay Haddii aad u baahantahay in aad marto qalliin ama aad noqonayso qof waadh u yaalla muddo dheer dhaawac ku soo gaadhay dartii ama cudur ama haddii aad qabto lug kabniin ku duubanyahay. Haddii kuwaas wax ka mid ahi ku quseeyo, u sheeg dhakhtarkaaga/umulisadaada in aad isticmaasho Zoely maxaa yeelay waxa loo baahan karaa in la joojiyo isticmaalka. Waxa laga yaabaa in dhakhtarkagu/umulisadaadu, kuu sheego in aad joojiso qaadashada kiniinka ka hortagga uurka ee la xoojiyey dhowr wiig ka hor inta aan la bilaabin qalliinka ama aan waadhka lagu dhigin. Sidoo kale wuxu dhakhtarkaagu kuu sheegi marka aad dib u bilaabayso qaadashada Zoely, marka aad bogsato. Dhiigxinjirowyada ku dhaca halbowlaha dhiigga Dhiigxinjirow ku dhaca halbowlaha dhiigga wuxu sababi karaa dhibaato weyn. Dhiigxinjirow ku dhaca halbowlayaasha wadnaha, wuxu sababi karaa tusaale ahaan wadno-xanuun, halka Dhiigxinjirow ku dhaca maskaxda uu keeni karo maskaxwareen/stroke. Isticmaalidda kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka, waxa lala xiriiriyaa halis kordhaysa oo ah Dhiigxinjirowga halbowleyaasha. Halistu waxay sii badanaysaa: Marka da du sii weynaato med stigande ålder Haddii aad sigaarka cabto Haddii aad isticmaasho kiniin p-piller ah sida Zoely, waxa si adag lagaala talinayaa in aad sigaar cabto, gaar ahaan haddii aad ka weyntahay 35 jir. bogga 5 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Haddii miisaankaagu aad u culusyahay Haddii aad qabto dhiigkar sarreeya Haddii qof qaraabo dhow kuu ah uu yaraantiisii ku dhacay wadno-xaniin ama maskaxwareen/stroke Haddii aad qabto dux dhiigeed sarraysa (kolesterol ama triglycerider) Haddii aad qabto dhan-jaf Haddii aad qabto dhibaato xagga wadnaha ah (qalad daboolka wadnaha ah ama khalkhal ku yimaadda garaac). Astaamaha dhiig-xinjirowga Jooji kiniinadaada oo dhakhso u raadso dhakhtar haddii aad aragto calaamad muujinaysa in uu kugu dhici karo Dhiigxinjirow, sida: Qufac kedis ah oo aan caadi ahayn Naaso xanuun daran oo ku fidi kara gacanta bidix Dhibaato xagga neefsashada ah Madax-xanuun raaga oo adag oo nooc kale ah ama dhanjaf sii xiimanaya Indho-darrayn kooban ama buuxda ama laba aragga walxaha. Hadal aan saafi ahayn am karid la aanta hadalka Isbedello kedis ah oo maqalka, dareenka urta iyo dareenka dhadhanka ku dhaca Dawakhaad ama suuxdin Tamar darri ama kabuubyooyin ku dhaca qayb jirka ka mid ah Xanuun daran oo bogga ah Xanuun dara ama barar lugaha mid kood ku dhaca. Ka bogsashada Dhiigxinjirowga, mar kasta ma noqoto mid buuxda. Dhacdooyin naadir ah ayuu Dhiigxinjirowku keeni karaa dhaawaco joogto ah ama mararka qaarkood geeri. Umulid dabadeed, waxay dumarku halis ugu jiraan in Dhiigxinjirow ku dhaco, sidaa darteed waa in aad la tashato dhakhtarkaaga/umulisadaada sida ugu dhakhsaha badan ee aad u bilaabi karto qaadashada kiniinka ka hortagga uurka. Kansar Kansarka naasaha waxa badiyaaba laga helaa dumarka isticmaala kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka, laakiin lama soo xaqiijin inay sababtu tahay kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka. Waxay noqon kartaa tusaale ahaan in burooyinka dumarka isticmaala bogga 6 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka la ogaado badiyaaba sababtoo ah waxay maraan baaritaanno dhakhtar oo fara badan. Marka la iska joojiyo kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka, waxa si tartiib ah u yaraanaya halistii koraysay. Waa muhiim in aad si joogto ah u baarto naasahaaga oo aad la xiriirto dhakhtarkaaga haddii aad ka dareento wax kuusan. Sidoo kale waa in aad u sheegto dhakhtarkaaga haddii qof qaraabo dhow kuu ahi qabo ama uu ku dhacay kansarka naasuhu (fiiri qaybta 2 Taxadir gaar ah ka samee Zoely ). Dhacdooyin naadir ah oo buro-caanood ah (ma aha kansar) iyo kuwo ka sii yar oo ah burobahalaad (kansar), ayaa laga soo sheegaa dumarka isticmaala kiniinka ka hortagga uurka (ppiller). Degdeg ula xiriir dhakhtar haddii aad yeelato bog-xanuun daran. Kansarka dhuunta makaanka waxa keena infakshan ka yimaadda fayraska papillomvirus ee dadka (HPV). Kansarka dhuunta makaanka waxa badiyaaba laga helaa dumarka wakhti dheer isticmaala kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka. Lama xaqiijin in xiriirka ka dhexeeyaa ka dhashay isticmaalka dawooyinka uuraysi ka hortagga ee hormoonnadu ku jiraan ama arrimo kale sida kala duwanaanshaha caadooyinka galmada. Baaritaannada shaybaaryada r Haddii aad u baahantahay in aad iska qaaddo shaybaar dhiig ama kaadiyeed, u sheeg dhakhtarkaaga in aad isticmaasho Zoely sababtoo ah waxay saamayn kartaa natiijada shaybaarrada qaarkood. Isticmaalka dhallinyarada Ma jiro macluumaad diyaar ah oo quseeya ammaanka iyo saamaynta dhallinyarada ka yar 18 jir. Isticmaalka dawooyinka kale U sheeg dhakhtarkaaga/umulisadaada ama shaqaalaha farmasiiga, haddii aad qaadato ama aad dhawaan qaadatay dawooyin kale, xiitaa kuwa bilaa warqad-dhakhtar lagu iibsado ama dawooyinka dabiiciga ah. Sidoo kale u sheeg dhakhaatiirta kale ama dhakhtarka ilkaha ee dawooyin kuu qora (ama shaqaalaha farmasiiga) in aad isticmaasho Zoely. Markaa waxay kuu sheegi karaan in aad u baahantahay inaad isticmaasho ka hortag uuraysi oo dhammaystir ah (hab uurxannibeed ah) iyo weliba muddada. Waxa jira dawooyin yarayn kara saamaynta ka hortagga uurka ee Zoely ama sababi kara dhiigfuran lama filaan ah. Taasi waxay qusaysaa dawooyinka la isticmaalo marka la daweynayo:: Suuxdinta/Qallal (tusaale ahaan primidon, fenytoin, fenobarbital, karbamazepin, oxkarbamazepin, to- piramat, felbamat) tiibisho/ tiibii/qaaxo (tusaale ahaan rifampicin) Infakshanka HIV (Tusaale ahaan ritonavir, nevirapin, nelfinavir, efavirenz) cudurrada infaktionka ee kale (tusaale ahaan griseofulvin) cadaadis dhiig oo sarreeya oo xidida dhiigga ee sambabada ah (bosentan). Dawada dabiiciga ah ee johannesört, waxay ka difaaci kartaa Zoely inay u shaqayso sidii la rabay. Haddii aad rabto in aad isticmaasho dawooyinka dabiiciga ah ee uu ku jiro bogga 7 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

geedka johannesört, adiga oo markaaba hore u isticmaalayey Zoely, waxa habboon in aad marka hore kala tashato dhakhtarkaaga. Dawooyinka qaarkood waxay dhiigga ku kordhin karaan xaddiga walxaha firfircoon ee Zoely ku jira. Saamayntii kiniinka p-pillerku way jiraysaa laakiin u sheeg dhakhtarkaaga haddii aad wax dawo ah u isticmaasho infakshanka barkin-waraabaha oo ay ku jirto ketokonazol. Sidoo kale Zoely waxay khalkahl gelisaa saamaynta dawooyinka kale- sida dawada suuxdinta ee lamotrigin. Uurka iyo naas nuujinta Zoely ma isticmaalayaan dumarka uurka leh ama shaki kaga jiro inay uur leeyihiin. Haddii aad uuraysato marka aad isticmaalayso Zoely, waa in aad joojiso isticmaalka Zoely oo aad la xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada. Haddii aad rabto in aad joojiso camaliyadda Zoely adiga oo doonaya in aad uuraysato darteed, fiiri qaybta 3 Haddii aad joojinayso qaadashada Zoely. Guud ahaan laguma talinayo in la isticmaalo Zoely marka la nuujinayo naaska. Haddii aad rabto in aad isticmaasho kiniinka p-piller (kiniinka ka hortagga uurka) marka aad nuujinayso, waa in aad la tashato dhakhtarkaaga/umulisadaada. La tasho dhakhtar ama shaqaale farmasii inta aanad qaadan wax dawo ah. Awoodda baabuur wadista iyo isticmaalidda mishiinada Waa suurtogal inay Zoely saamayn ku yeelato awooodda baabuur wadista ama adeegsiga mashiinnada. Warbixin muhiim ah oo ku saabsan maaddooyinka ku jira Zoely: Zoely waxa ku jira maaddada laktos. Haddii aanad u adkaysan karin noocyada sonkorta qaarkood, waxa habboon in aad la xiriirto dhakhtarkaaga/umulisadaada inta aanad qaadan dawadaas 3. SIDA AAD U ISTICMAALAYSO ZOELY Goorta iyo sida aad u qaadanayso kiniinnada Khariidadda Zoely waxay ka koobantahay 28 kiniin: 24 kiniin oo cadcad oo walxaha shaqaynayaa ku jiraan (lambar 1-24) iyo 4 kiniin oo jaalle ah oo aan lahayn walxo shaqaynaya (lambar 25-28) Markasta oo aad bilaabayso khariidad kiniineed cusub oo Zoely ah, qaado ka cad ee shaqaynaya, kiniinka lambarkiisu yahay 1 ee koonaha sare ee bidix ee khariidad-kiniineedka (fiiri bilaw ). Dabadeed ka dooro 7da dawlaab-xabkeed ee maalmaha wiigga, dawlaabta safka dhereren ee midabka dameeriga ah ee ka bilaabanaya maalinta aad bilaabayso. Tusaale ahaan, haddii aad bilaabayso maalin arbaco ah, waxad isticmaalaysaa dawlaabxabkeedda ku bilaabanaysa ONS. ku dheji ayada khariidad-kiniineedka, isla korka safka kiniinada cadcad ee shaqaynaya ee ay ku qorantahay Placera veckodagsetiketten här. Taasi waxay kaa caawinaysaa in aad qaadatay kiniinigaagii maalinlaha ahaa.. Qaado hal kiniin maalintiiba wakhtiyo isku beegan, adoo biyo yar raacinaya haddii loo baahdo. Kiniinada u qaado nadaamka ay fallaaraha khariidad-kiniineedku muujinayaan, marka hore qaado kiniinada cadcad ee shaqaynaya, dabadeena kuwa jaallaha ah (kuwa aan shaqaynayn) ee qanciska ah (placebotabletterna). bogga 8 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

bogga 9 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25 Xog daawo: Caadadaadu waxay bilaabanaysaa 4ta maalmood ee aad qaadanayso kiniinada jaallaha ah ee placebo (waa ka lagu magacaabo dhiigidda khasaartay). Caadi ahaan wuxu bilawdaa 2-3 maalmood ka dib kiniinka cad ee shaqaynaya ee ugu dambeeya, umana baahna in uu dhammaado ka hor inta aanad bilaabin khariidad-kiniineedda kale. Toos u bilaw khariidad-kiniineedda xigta, kiniinka ugu dambeeya ee jaallaha ah dabadii, xiitaa haddii aanay caadadi dhammaan. Taas macneheedu waxa weeye in aad mar walba bilaabayso khariidad-kiniineed cusub maalin isku mid ah wiiggii iyo in caadadu imanayso qiyaastii maalin isku mid ah bil kasta. Laga yaabee in dumarka qaarkood aanay caadadooda helin bil kasta marka la qaadanayo kiniinada jaallaha ah. Haddii aad maalin kasta u qaadatay Zoely si waafaqsan tilmaaha, suurtogal ma aha in aad uur yeelato. (Sidoo kale fiir qaybta 3 Haddii caadadu baaqato maalin ama ka badan ). Ma bilawday in aad qaadato baakaddii ugu horraysay ee Zoely Hur du börjar ta första förpackningen Zoely Markii aan la isticmaalin bishii hore ka hortagga uurka oo ay ku jiraan hormoonno Bilaw qaadashada Zoely maalinta ugu horraysa ee wareegga caadadaada dabiiciga ah (yacnii maalinta koowaad ee caadada). Zoely waxay u shaqayn doontaa toos. Uma baahnid in aad isticmaasho hab uur ka hortag oo dhammaystir ah. Ka soo bedelasho hab uur ka hortag oo lagu xoojiyey hormoonno (kiniinka ka hortagga uurka (p-piller), giraanta ka hortagga uurka (p-ring) ama balastarka ka hortagga uurka (p-plåster la xoojiyey)) Waxad bilaabi kartaa qaadashada Zoely maalinta ka dambaysa marka aad qaadato kiniinka ugu dambeeya khariidad-kiniineedkaaga hadda (waa kiniin ka nasasho la aan). Sidoo kale haddii khariidad-kiniineeddaada hadda ay ku jiraan kiniinno placebo ah oo aan shaqaynayn, waxad bilaabi kartaa qaadashada Zoely maalinta ka dambaysa markii aad qaadatay kiniinkaagii ugu dambeeyey ee shaqaynayey (Haddii aanad hubin kuwa ay yihiin kiniinada shaqaynayaa, waydii dhakhtarkaaga/umulisada ama shaqaalaha farmasiiga). Sidoo kale waxad bilaabi kartaa mar dambe laakiin marna ha ka dambaysiin maalinta ka dabaysa wakhtiga bilaa kiniinka ah ee p-pillerkaaga hadda (ama maalinta ka dambaysa kiniinka aan shaqaynayn ee ugu dambeeya p-pillerkaaga hadda). Haddii aad isticmaasho giraanta ka hortagga uurka (p-ring) ama balastarka ka hortagga uurka (p-plåster), waxa ugu fiican in aad isticmaasho Zoely isla maalinta la soo bixiyo balastarka ama giraanta. Waxa kale oo aad bilaabi kartaa ugu dambayn maalintii aad bilaabi lahayd giraan ama balastar cusub. Haddii aad raacod tilmaamaha uma baahnid in aad qaadato difaac dheeraad ah. Marka aad ka bedelanayso kiniinka p-pillerka ee leh maaddada gestagen oo keli ah (minipiller) Waxad joojin kartaa minipillerka maalin alla maalinta aad doonto, adiga oo bilaabaya Zoely maalinta ku xigta. Haddii aad samaysay galmo waxad uur ka hortag u isticmaali hab xannibeed, todobada maalmood ee ugu horraysa ee aad qaadanayso Zoely. Marka aad ka bedelanayso duritaan, tallaal ama gariirad hormoon ah oo maaddada gestagen keli ahi ku jirto Bilaw Zoely isla maalinta aad qaadan lahayd duritaanka xiga ama maalinta tallaalkaaga ama

gariiraddaadii lagaa saari lahaa. Haddii aad samaysay galmo waxad uur ka hortag u isticmaali hab xannibeed, todobada maalmood ee ugu horraysa ee aad qaadanayso Zoely. Marka aad ilmo dhashay ka dib Waxad bilaabi kartaa Zoely 21 ilaa 28 cisho ka dib dhalitaanka. Haddii aad bilawdo wakhti intaas ka dambeeya waa in aad sidoo kale u isticmaasho uur ka hortag ahaan hab xannibaadeed todobada cisho ee ugu horreeya ee aad qaadanayso Zoely. Haddii dhalistaadii ka dib oo ah intii aanad qaadan Zoely aad galmo samaysay waa in aad hubsato in aanad uuraysan inta aanad bilaabin Zoely ama sug caadada kale. Haddii aad rabto in aad bilawdo Zoely intii aad dhashay ka dib oo aad nuujinayso fiir qaybta 2 uurka iyo nuujinta naaska. Warayso dhakhtarkaaga/umulisadaada ama shaqaalaha farmasiiga Dhicin ama ilmo iska soo ridid ka dib Raac talada dhakhtarkaaga/umulisadaada Haddii aad qaadatay xaddi badan oo Zoely ah Ma jiraan warbixino ku saabsan saamayno dhaawac leh oo khatar ah, haddii la qaato kiniin badan oo Zoely ah mar keli ah. Haddii aad qaadatay kiniinno badan isku mar waad yalaalugoon kartaa, mantagi kartaa oo aad heli kartaa dhiigfuran macdanta ah. Haddii aad aragto in ilmo yari cunay Zoely waxa lala xiriirayaa dhakhtar talobixin ahaan. Haddii aad illowday in aad qaadato Zoely Talooyinka soo socdaa waxay quseeyaan uun kiniinada cadcad ee shaqaynaya ee la illobay.. Haddii ay ka soo wareegtay wax ka yar 12 saacadood markii aad qaadan lahayd kiniinkaaga, weli difaac baad ka qabtaa uuraysi. Qaado kiniinkii aad seegtay sida ugu dhakhsaha badan ee aad u xasuusato, dabadeed ka kalena wakhtigiisii caadiga ahaa ku qaado. Haddii ay ka soo wareegtay wax ka badan 12 saacadood markii aad qaadan lahayd kiniinkaaga, markaa difaacii uuraysigu wuu yaraan karaa. Mar kasta oo ay bataan kiniiniyada aad xiriirka u illowdaa, waxa kordhaya yaraanta waxtarka difaacii uurka. Halista inaad uuraysataa waxay sii wayntahay haddii aad illowdo kiniinada cadcad ee shaqaynaya bilawga ama dhammaadka khariidad-kiniineedka. Sidaa darteed mar walba waa in aad raacdo tilmaamaha hoos lagu qeexayo. Maalinta 1-7 ee la qaadanayo kiniinada cadcad ee shaqaynaya (fiiri sawirka iyo jadwalka) Qaado kiniinkii caddaa ee shaqaynayey ee ugu dambeeyey sida ugu dhakhsaha badan ee aad u xasuusato (Xiitaa haddii taas macneheedu yahay in aad laba kiniin isku mar qaadato) oo kiniinka ku xigana ku qaado wakhtigiisii caadiga ahaa. Isticmaal hab xannibaadeed 7da cisho ee ku xiga difaac dheeraada ahaan. Haddii aad samaysay galmo wiiggii ka horreeyey kiniinada la illoobay waxa jirta halis ah in aad uuraysan karto. Sidaa darteed la xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada si dhakhso ah. Maalinta 8-17 ee la qaadanayo kiniinada cadcad ee shaqaynaya (fiiri sawirka iyo jadwalka) Qaado kiniinkii caddaa ee shaqaynayey ee ugu dambeeyey sida ugu dhakhsaha badan ee aad u xasuusato (Xiitaa haddii taas macneheedu yahay in aad laba kiniin isku mar qaadato) oo kiniinka ku xigana ku qaado wakhtigiisii caadiga ahaa. Difaacii uuraysigu uma dhicin hoos oo uma baahnid in aad isticmaasho difaac dheeraad ah. Haddii aad bogga 10 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

illowday wax ka badan 1 kiniin waxa habboon in aad isticmaasho difaac dheeraad ah 7 cisho ee ku xiga. Maalinta 18-24 ee la qaadanayo kiniinada cadcad ee shaqaynaya (fiiri sawirka iyo jadwalka) Dag 18-24 med intag av vita aktiva tabletter (se bild och schema) Halista inaad uuraysataa waa mid weyn haddii aad illowdo kiniin cad oo shaqaynaya xilliga ku xiriirsan kiniinada qanciska ah ee jaallaha ah ee aan shaqaynayn. In aad is waafajiso qaadashada kiniinada ayaa lagu bedeli karaa halista kordhaysa. Waxa kala dooran kartaa laba doorasho: Doorashada (1) Qaado kiniinkii caddaa ee shaqaynayey ee ugu dambeeyey sida ugu dhakhsaha badan ee aad u xasuusato (Xiitaa haddii taas macneheedu yahay in aad laba kiniin isku mar qaadato) oo kiniinka ku xigana ku qaado wakhtigiisii caadiga ahaa. Khariidadkiniineedka kale toos u bilaw, marka kiniinada cadcad ee shaqaynaya ee khariidadkiniineedka socdaa ay dhammaadaan ka dib, ka bood kiniinada jaallaha ah ee qanciska ah. Waxa dhici karta in aanad helin wax caado ah ilaa aad qaadato kiniinada jaallaha ah ee dhammaadka khariidad-kiniinedka kale laakiin waxad heli kartaa dhiig dhibicdhibic ah(dhowr dhibcood oo dhiig ah) ama dhiigid xoog ah muddada aad qaadanayso kiniinada cadcad ee shaqaynaya. Doorashada (2) Jooji qaadashada kiniinada cadcad ee shaqaynaya si degdeg ah oo toos ah u bilaw afarta kiniin ee jaallaha ah ee qanciska ah. Markay muddada kiniinada qanciska ahi ay dhammaato bilaw khariidad-kiniineedka kale. Haddii aanad hubin tirada kiniinada cadcad ee shaqaynaya ee aad illowday, raac doorashada 1, isticmaal hab-xannibaadeed dhammaystir ah difaaca 7 cisho ee ku xiga, lana xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada. Haddii aad illowday in aad qaadato kiniinada cadcad ee shaqaynaya ee khariidad-kiniineedda oo dhiiggii la sugayey imaatinkiisa marka aad qaadanayso kiniinada jaallaha ah ee qanciska ah uu baaqdo, waxad ahaan kartaa mid uuraysatay. La xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada inta aanad bilaabin khariidad-kiniineedda kale. Jadwal: Haddii aad wax ka badan 12 saacadood ka habsaanto qaadashada kiniiniga shaqaynaya bogga 11 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Haddii aad mantagayso ama aad qabto shuban daran Haddii aad mantagto 3-4 saacadood gudahood ka dib markii aad qaadatay kiniin cad oo shaqaynaya ama uu kugu dhaco shuban daran, waxa dhici karta in walxaha shaqaynaya ee ku jira kiniinka Zoely aanu jirkaadu si buuxda u qaadanayn. Xaaladduna waa la mid haddii aad illowdo kiniin cad oo shaqaynaya. Mantagyada iyo shubanka ka dib waa in aad ka qaadato khariidad-kiniineed kiniin cad oo shaqaynaya oo cusub, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Hadday suurtogal tahay ku qaado 12 saacadood gudahood laga soo bilaabo markaad caadi ahaan qaadato. Haddii aanay taasi suurtogal ahayn ama ay dhaaftay 12 saacadood, waxad raacaysaa talada lagu bixinayo ciwaanka ah Haddii aad illowday in aad qaadato Zoely. Haddii aad qabto shuban daran la xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada.. Kiniinada jaallaha ahi waa kiniinno boosbuuxis ah oo aanay ku jirin wax walxo shaqaynaya ah. Haddii aad mantagto ama shuban darani kugu dhaco 3-4 saacadood gudahood ka dib markii aad qaadatay kiniinka jaallaha ah, wuu sii jirayaa difaacii Zoely. Haddii aad rabto in aad dib u dhigto caadadaada Waxad dib ugu dhigi kartaa caadada in aad ka booddo kiniinada jaallaha ah ee qanciska ah oo aad toos u bilawdo khariidad-kiniineedka kale ee Zoely. Waxad heli kartaa dhiig dhibicdhibic ah ama dhiig badan muddada aad isticmaalayso khariidad-kiniineedka kale. Marka aad rabto in dhiiggii caadadu dib u bilawdo muddada lagu jiro khariidad-kiniineedda kale, waxad joojisaa qaadashada kiniinada cadcad ee shaqaynaya oo bilaw qaadashada kiniinada jaallaha ah ee qanciska ah. Ka dib Inta u dhaxaysa 4ta kiniin ee jaallaha ah ee qanciska ah ee ka mid ah khariidad-kiniineedda labaad, bilaw khariidad-kiniineedda xigta (ta saddexaad). Haddii aad rabto in aad bedesho maalinta ay bilaabanayso caadaadu Haddii aad kiniinadaada u qaadato si sax ah, waxad caadadaada heli doontaa inta lagu jiro bogga 12 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

muddada qanciska (placebointervallet). - Marka aad qaadato kiniinada jaallaha ah ee boos-buuxiska ah (laakiin marna ha kordhin- 4 waa tirada ugu sarraysa). Tusaale ahaan haddii aad bilawdo kiniinada jaallaha ah ee qanciska ah maalin jimce ah oo aad rabto in aad u bedelato maalin talaado ah (saddex maalmood oo qaddimaad ah) markaa waa in aad bilawdo khariidad-kiniineed cusub oo saddex maalmood ka horraysa sidii caadiga ahayd. Waxa dhici karta in aanad helin wax caado ah muddada qanciska ah ee la soo gaabiyey. Waxad heli kartaa dhiig dhibicdhibic ah(dhowr dhibcood oo dhiig ah) ama dhiigid xoog ah muddada aad qaadanayso kiniinada cadcad ee shaqaynaya ee khariidad-kiniineedka kale. Haddii aanad hubin sida aad yeelayso, waydii dhakhtarkaaga/umulisadaada. Haddii aad hesho dhiig aanad filayn Bilaha ugu horreeya ee aad isticmaalayso kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka, waxad heli kartaa dhiig aan nadaam joogto ah ku iman (dhiigfuran badan ama dhiig dhibicdhibic h). Waxa dhici karta in aad u baahato suufka caado-dhowrka laakiin haddana sii wad in aad u qaadato kiniinadaada sidii caadiga ahayd. Dhiigagga aan nadaamka joogtada ah lahayni, waxay joogsadaan marka jirku la qabsado kiniinka ka hortagga uurka(caadi ahaan saddex bilood ka dib). La hadal dhakhtarkaaga/umulisadaada haddii dhiigaggu sii socdaan saddex bilood ka dib, haddii ay xoogaystaan ama ay soo noqnoqdaan. Haddii caadadaadu baaqato hal mar ama marar badan Daraasaadka caafimaad ee Zoely waxa lagu arkay inay caadadu mararka qaar baaqato maalinta 24 ka dib. Haddii aad ku qaadatay dhammaan kiniinadaada wakhti sax ah, oo aanad mantagin, oo aanad yeelan shuban daran ama isla markaa aanad qaadan dawooyin kale, lama fili karo inaad uuraysato. Sii wad in aad u qaadato Zoely sidii caadiga ahayd. Sidoo kale fiiri qaybta 3 ee ah haddii aad mantagto ama aad qabto shuban daran ama qaybta 2 ee ah Isticmaalka dawooyin kale Haddii aanad ku qaadan dhammaan kiniinadaada wakhti sax ah ama caadadaadu baaqatay laba jeer oo isku xiga, waxad ahaan kartaa mid uur leh. Si dhakhso ah ula xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada. Ha bilaabin khariidad-kiniineeddaada kale ee Zoely ilaa kontorool lagu sameeyo in aanad uur lahayn. Haddii aad joojinayso isticmaalka Zoely Waad joojin kartaa Zoely markii aad doonto. Haddii aanad rabin in aad uuraysato kala tasho dhakhtarkaaga/umulisadaada hab uur ka hortag oo kale. Haddii aad u joojinayso Zoely in aad rabto inad uuraysato darteed, waxa lagugula talinayaa in aad sugto ilaa aad helayso dhiig caado oo dabiici ah ka hor inta aanad isku deyin in aad uuraysato. Taasi waxay kaa caawinaysaa in la xisaabiyo marka ilmuhu dhalanayo. Haddii aad qabto su aalo dheeri ah oo ku saabsan dawadan la xiriir dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga. 4. WAXYEELLOOYINKA JIRI KARA Sida dawooyinka oo dhan, waxay Zoely yeelan kartaa waxyeellooyin laakiin adeegsade bogga 13 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

kastaa wax kuma noqdo. bogga 14 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25 Xog daawo: La xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada haddii aad yeelato waxyeellooyin ama aad wax isbedel ah ka aragto caafimaadkaaga oo aad u malaynayso inuu keenay kiniinka ka hortagga uurka. Waxyeellooyin khatar ah oo lala xiriiriyo isticmaalka Zoely waxa lagu qeexay qaybta 2 ee ah Dhiigxinjirowga (trombos) iyo kansarka Waxyeellooyinka soo socda ayaa lala xiriiriyaa Zoely: SI WEYN CAADI U AH (ku dhaca wax ka badan 1, 10kii dumar ahba) Fin-doob Khalkhal caado (sida caado baaqata ama aan joogto ahayn) Caadi ah (ku dhaca 1 ilaa 10, 100kii dumar ahba) Xiisaha galmada oo yaraada, qulub/niyadjab, isbedello dabaceecadeed Madax-xanuun ama dhanjaf Yalaalugo Dhiig-caado oo xoog badan, naaso-xanuun, miskoxanuun Miisaan-korodh. Aan caadi ahayn (ku dhaca 1 ilaa 10, 1000kii dumar ahba) Rabitaanka cuntada oo kordha, biyo jirka ku urura (ödem) Kululaansho Calool buuran Dhididid kordha, timo daata, cuncun, jir-qallal, jir dux badan Culays ka dareemid gacmaha iyo lugaha ah Dhiigag nadaam joogto ah leh laakiin yar, naaso waaweyn, buurbuur naasaha ah, caano samaysma jirtoo aanu uur jirin, xanuunada caadada ka horreeya, xanuun marka la galmoonayo, siil qallayl ama faruuryaha siilka, makaan-kog Xanaaq dhawaan Maaddada enxyme ee beerka oo kordha Dhif iyo naadir(ku dhaca 1 ilaa 10, 10 000kii dumar ahba) Rabitaanka cuntada oo yaraada Rabitaanka galmada oo yaraada Baraarugsanaanta oo khalkhasha Indho qallalan, isticmaalka caagga aragga oo dhib laga muto, Af qallal

Dhibco-dhibco maqaarka ku samaysma oo midab bunni-dahabi ah leh, gaar ahaan wejiga, bixitaanka timaha oo kordha Ur siilka ah,, raaxo la aan laga dareemo siilka ama faruuryaha siilka hareerahooda Gaajo Jirro ku dhacda xammaytida. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan khalkhalka caadada (tusaale ahaan caado baaqata ama aan nadaam joogto ah lahayn) marka aad isticmalayso Zoely, waxad ka helaysaa qaybta 3 ee ah goorta iyo sida loo qaadanayo kiniinada, haddii aad hesho dhiigfuran aanad filayn iyo haddii caadadaadu baaqato hal mar ama marar badan. Haddii waxyeellooyinka qaarkood sii xumaadaan ama aad aragto waxyeellooyin aan halkan lagu magacaabin, la xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada ama shaqaalaha farmasiiga. 5. SIDEE LOO XAFIDYAA ZOELY Waxa la dhigayaa meel aanay carruurtu arki karin oo aanay tiigsan karin. Waxa la isticmaalayaa taariikhda dhicitaanka ka hor ee ku xusan khariidad-kiniineedka iyo kartoonka, ka dib EXP ama Utg.dat ka dib. Taariikhda dhicitaanku waa maalinta ugu dambaysa bisha la xusay. Dawadani uma baahna tilmaamo xafidaadeed oo gaar ah Kiniinnada ka hortagga uurka ee la xoojiyey(sida Zoely) ee soo hadha laguma tuurayo bullaacadaha iyo qashin qubka cuntada ee degmada. Hormoonnada shaqaynaya ee ku jira kiniinka waxay yeelan karaan saamayn dhaawac leh, haddii ay gaaraan biyaha. Kiniinada waxa loo celinayaa farmasiiga ama waxa lagu tuurayaa meel nabadgelyo ah oo waafaqsan shuruudaha maxalliga ah. Tallaabooyinkaasi waa si loo difaaco bay ada. 6. MACLUUMAAD DHEERAAD Caddaynta waxa ku jira - Walxaha firfircooni waa: kiniinada dahaarka leh ee cadcad ee shaqaynaya: hal kiniin waxa ku jira 2,5 mg oo nomegestrolacetat ah iyo 1,5 mg oo estradiol oo sidii hemihydrat ahaan ah.. Kiniinada dahaarka le ee qanciska ah ee jaallaha ah: kiniinada kuma jiraan wax walxo shaqaynaya ahi. - Maaddooyinka kale ee ku jiraa waa: Gudaha kiniinka (kiniinada dahaarka le, kuwa cadcad ee shaqaynaya iyo kuwa qanciska ahba): laktosmonohydrat, mikrokristallin cellulosa (E460), krospovidon (E1201), talk (E553b), magnesiumstearat (E572) iyo kiseldioxid kolloidal oo bilaa biyo ah. Galka kniinka (kiniinada cadcad ee shaqaynaya ee dahaarka leh): bogga 15 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

poly(vinylalkohol) (E1203), titandioxid (E171), makrogol 3350 iyo talk (E553b) Galka kniinka (kiniinada jaallaha ah ee qanciska ah ee dahaarka leh): poly(vinylalkohol) (E1203), titandioxid (E171), makrogol 3350, talk (E553b), aysiidh bir ah oo jaalle ah (E172) iyo aysiidh bir ah oo madow (E172). Muuqaalka dawada iyo qiyaasta ay leegyihiin baakaduhu Kiniinada dahaarka le ee shaqaynayaa waa qaar cadcad, wareegsan oo lagaga calaamadiyey ne labada dhinacba. Kiniinada qanciska ahi waa jaalle, wareegsan oo lagaga calaamadiyey p labada dhinacba. Zoely waxay ku jirtaa baakado ay ku dhex jiraan 1, 3, 6 ama 13 khariid-kiniineed oo min 28 kiniin dahaarle ah lagu baakad-gareeyey kartoon (24 cadcad oo shaqaynaya oo kiniindaharle ah iyo 4 kiniin-dahaarle qancis ah). Waxa dhici karta in aan la wada suuq geyn baakadaha kala duwan oo dhan Cidda haysata ruqsadda iibinta iyo cidda samaysay Cidda haysata ruqsadda iibinta Theramex S.r.l. Via Messina 38 20154 Milano Italien Cidda samaysay Organon (Ireland) Limited Drynam Road Swords Co. Dublin Irland Delpharm Lille S.A.S. Z.I. de Roubaix Est Rue de Toufflers 59390 Lys-Lez-Lannoy Frankrike Laboratoire Theramex 6, avenue Albert II B.P. 59 MC 98007 Monaco Cedex Monaco bogga 16 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dawadan, kala xiriir wakiilka Cidda haysata ruqsadda iibinta:: Biljam/België/Belgique/Belgien Teva Pharma Belgium N.V./S.A./AG Tel/Tél: + 32 (0)38 20 73 73 Ruushka/България Мерк Шарп и Доум България ЕООД Teл.: + 359 2 819 3737 info-msdbg@merck.com Jamhuuriyadda Jeegga/ Česká republika Merck Sharp & Dohme s.r.o. Tel.: +420 233 010 111 msd_cr@merck.com Dheenmaarig/Danmark MSD Danmark ApS Tlf: + 45 4482 4000 dkmail@merck.com Jarmalka/Deutschland MSD SHARP & DOHME GMBH Tel: 0800 673 673 673 (+49 (0) 89 4561 2612) e-mail@msd.de Istooniya/ Eesti Merck Sharp & Dohme OÜ Tel: + 372 6144 200 msdeesti@merck.com Giriigga/ Ελλάδα MSD Α.Φ.Β.Ε.Ε. Τηλ: + 30-210 98 97 300 cora.greece.gragcm@merck.com Isbayn/ España Teva Pharma S.L.U Tel: +34 91 387 32 80 Luksomboori/ Luxembourg/Luxemburg Teva Pharma Belgium N.V./S.A./AG Tel/Tél: + 32 (0)38 20 73 73 Hangari/ Magyarország MSD Pharma Hungary Kft. Tel.: + 36 1 888-5300 hungary_msd@merck.com Maalta/Malta Merck Sharp and Dohme Cyprus Limited Tel: 8007 4433 (+356 99917558) malta_info@merck.com Nederlaan/ Nederland Merck Sharp & Dohme BV Tel: + 0800 9999 000 (+ 31 (0)23 5153153) medicalinfo.nl@merck.com Noorwey/Norge MSD (Norge) AS Tlf: + 47 32 20 73 00 msdnorge@msd.no Osteeriya/ Österreich Merck Sharp & Dohme Ges.m.b.H. Tel: +43 (0) 1 26 044 msd-medizin@merck.com Boolen/ Polska MSD Polska Sp.z o.o. Tel.: +48 22 549 51 00 msdpolska@merck.com Boortaqiiska/Portugal Schering-Plough Farma, Lda. Tel: + 351 21 4465808 clic@merck.com bogga 17 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Faransiiska/ France LABORATOIRE THERAMEX Tél: + 377 92 05 08 08 Ayrland/ Ireland Merck Sharp & Dohme Ireland (Human Health) Limited Tel: +353 (0)1 2998700 medinfo_ireland@merck.com Ayslan/Ísland Vistor hf. Sími: + 354 535 7000 Talyaaniga/Italia Teva Italia S.r.l. Tel: +39 02 8917981 Qubrus/ Κύπρος Merck Sharp & Dohme Cyprus Limited Τηλ: 800 00 673 +357 22866700 cyprus_info@merck.com Laatfiya/Latvija SIA Merck Sharp & Dohme Latvija Tel: + 371 67 364224 msd_lv@merck.com Litweyniya/ Lietuva UAB Merck Sharp & Dohme Tel: + 370 5 2780247 msd_lietuva@merck.com Roomaaniya/ România Merck Sharp & Dohme Romania S.R.L. Tel: + 40 21 529 29 00 msdromania@merck.com Islofeeniya/ Slovenija Merck Sharp & Dohme, inovativna zdravila d.o.o. Tel: + 386 1 5204201 msd_slovenia@merck.com Jamhuuriyadda Isofeniya/ Slovenská republika Merck Sharp & Dohme, s.r.o Tel: + 421 (2) 58282010 msd_sk@merck.com Fiilaan/Suomi/Finland MSD Finland Oy Puh/Tel: + 358 (0)9 804650 info@msd.fi Iswiidhan/ Sverige Merck Sharp & Dohme (Sweden) AB Tfn: + 46 (0)77 570 04 88 medicinskinfo@merck.com Ingiriiska/ United Kingdom Merck Sharp & Dohme Limited Tel: +44 (0) 1992 467272 medicalinformationuk@merck.com Xaashidan macluumaadka waxa la ansixiyey markii ugu dambaysay ogos 2012. Warbixin ku saabsan dawadan waxa laga helayaa bogga internetka ee wakaaladda dawooyinka ee yurub oo ah http://www.ema.europa.eu. bogga 18 (19) Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25