XAASHIDA MACLUUMADKA DAWADA: WARBIXIN KU SOCOTA ISTICMAALAHA

Σχετικά έγγραφα
XAASHIDA MACLUUMADKA DAWADA: WARBIXIN KU SOCOTA ISTICMAALAHA

Buugani wuxuu ka hadlayaa p-pillerkaga cusub Yaz. Waa muhiim in aad akhrisid inta aadan bilaabin kan ugu horeeya ee khariidadda p-pillerka.

Mjølnerparken.Mjølnerparken

Xeerka. Dhaqanka. Dabeecada iyo taageerada

SADDEXDA ASAL IYO DALIILAHOODA WAXAA ALIFAY: SHEEKH MAXAMED BIN CABDULWAHAAB

Soomaaliya. Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka Soomaaliya 2002 THE WORLD BANK. Public Disclosure Authorized. Public Disclosure Authorized

W/Q: C/nuur C/qaadir Maxamed

ARKAANTA IIMAANKA ...

TOLKEBISTAND - GEBYR FOR TOLKEBISTAND TIL PERSONER, DER HAR BOET I DANMARK I MERE END 7 ÅR

HVERDAGSBILLEDER LIVET SOM NYDANSKER MELD DIG TIL FOTOKONKURRENCEN

Informationen zu Ihrer Gesundheitsuntersuchung

!"#$ %"&'$!&!"(!)%*+, -$!!.!$"("-#$&"%-

!"!# ""$ %%"" %$" &" %" "!'! " #$!

HONDA. Έτος κατασκευής

FORD KA KA_202054_V2_2013_Cover.indd /06/ :51

TÔ appleâï ÙÔÏfiÁÈÔ ÙË ÂÊÔÚ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον χρήστη. Telzir Επικαλυμμένα με λεπτό υμένιο δισκία 700 mg Φοσαμπρεναβίρη

ΠΡΩΤΟΚΟΛΛΟ ΕΛΕΓΧΩΝ Αρ

Irbesartan/Generics 75 mg δισκία Irbesartan/Generics 150 mg δισκία Irbesartan/Generics 300 mg δισκία (ιρβεσαρτάνη)

Moto armonico: T : periodo, ω = pulsazione A: ampiezza, φ : fase

ΑΓΓΕΛΗΣ ΧΡΗΣΤΟΣ ΠΑΝΑΓΙΩΤΗΣ 6 OO ΑΓΓΕΛΙΔΗΣ ΧΑΡΙΛΑΟΣ ΧΡΗΣΤΟΣ 4 OO ΑΓΓΟΥ ΑΝΑΣΤΑΣΙΑ ΔΗΜΗΤΡΙΟΣ 6 OO ΑΔΑΜΙΔΟΥ ΕΥΑΓΓΕΛΙΑ ΑΒΡΑΑΜ 3 OO ΑΛΕΒΙΖΟΥ ΠΑΝΑΓΙΩΤΑ

Επινοηθείσα ονομασία Ονομασία

,, #,#, %&'(($#(#)&*"& 3,,#!4!4! +&'(#,-$#,./$012 5 # # %, )

Κράτος Μέλος. Κάτοχος της Άδειας Κυκλοφορίας. Επινοηθείσα Ονομασία. Οδός χορήγησης. μορφή

Πανεπιστήμιο Αιγαίου Τμήμα Μαθηματικών

!"#$$%&'!()$%&*$)+,%!-$%$!./).$!!+0)1. 21.$%().!$/32%$)4!()$%&*$)+,%!-$%$!".2".#)1. 21.$%().(!/#$%!%2) ).2!/#$%&".1!,/.+)2.$!/&5%$!2' ) )$.

ΚΑΤΑΛΟΓΟΣ ΟΝΟΜΑΣΙΩΝ, ΦΑΡΜΑΚΟΤΕΧΝΙΚH ΜΟΡΦH, ΠΕΡΙΕΚΤΙΚΟΤΗΤA ΤΟΥ ΦΑΡΜΑΚΕΥΤΙΚΟΥ ΠΡΟΪΟΝΤΟΣ, ΟΔΟΣ ΧΟΡΗΓΗΣΗΣ ΚΑΙ ΚΑΤΟΧΟΙ ΑΔΕΙΑΣ ΚΥΚΛΟΦΟΡΙΑΣ ΣΤΑ ΚΡΑΤΗ ΜΕΛΗ

,

Electronic Supplementary Information

#&' ()* #+#, 2 )' #$+34 4 )!' 35+,6 5! *,#+#26 37)*! #2#+#42 %8')* #44+#%$,)88) 9 #,6+-55 $)8) -53+2#5 #6) :&' 2#3+23- ##) :* #-) ''

500 mg/ 500 mg/500 mg. 500/500mg. 500 mg/500 mg. 500 mg/500 mg. 500 mg

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΠΑΡΑΡΤΗΜΑ Ι ΠΕΡΙΛΗΨΗ ΤΩΝ ΧΑΡΑΚΤΗΡΙΣΤΙΚΩΝ ΤΟΥ ΠΡΟΪΟΝΤΟΣ

!"#$%& '!(#)& a<.21c67.<9 /06 :6>/ 54.6: 1. ]1;A76 _F -. /06 4D26.36 <> A.:4D6:6C C4/4 /06 D:43? C</ O=47?6C b*dp 12 :1?6:E /< D6 3:4221N6C 42 D:A6 O=

Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ


Esercizi sui circoli di Mohr

Japanese Fuzzy String Matching in Cooking Recipes

ΕΡΕΥΝΑ ΕΠΙΚΡΑΤΗΣΗΣ ΜΟΛΥΣΜΑΤΙΚΩΝ ΑΣΘΕΝΕΙΩΝ (HIV, HBV, HCV) ΑΝΑΜΕΣΑ ΣE ΕΝΕΣΙΜΟΥΣ ΧΡΗΣΤΕΣ ΟΥΣΙΩΝ

ΕΠΙΣΗΜΑΝΣΗ ΚΑΙ ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ

Παραδείγματα Διανυσματικοί Χώροι

ΠΑΝΕΠΙΣΤΗΜΙΟ ΠΕΙΡΑΙΩΣ ΤΜΗΜΑ ΨΗΦΙΑΚΩΝ ΣΥΣΤΗΜΑΤΩΝ ΕΡΓΑΣΤΗΡΙΟ ΤΗΛΕΠΙΚΟΙΝΩΝΙΑΚΩΝ ΣΥΣΤΗΜΑΤΩΝ

Φύλλο οδηγιών χρήσης: Πληροφορίες για τον ασθενή. Vimpat 10 mg/ml διάλυμα προς έγχυση Λακοσαμίδη


Κεφάλαιο 6 ιανυσµατικοί χώροι...1

Parts Manual. Trio Mobile Surgery Platform. Model 1033

ΕΒΥΠ Ε.Ε. Δωδεκανήσου Θεσσαλονίκη

Estimation of grain boundary segregation enthalpy and its role in stable nanocrystalline alloy design

TRÌNH TỰ TÍNH TOÁN THIẾT KẾ BỘ TRUYỀN BÁNH RĂNG TRỤ (THẲNG, NGHIÊNG)

ΣΥΝΕΡΓΑΤΕΣ ΓΙΑ ΤΗ ΒΕΛΤΙΩΣΗ ΣΤΟ ISLINGTON ΠΑΡΑΠΟΝΑ, ΣΧΟΛΙΑ ΚΑΙ ΦΙΛΟΦΡΟΝΗΣΕΙΣ

Meren virsi Eino Leino

ΜΑΣ 303: Μεπικέρ Διαφοπικέρ Εξισώσειρ ΛΥΣΕΙΣ ΑΣΚΗΣΕΩΝ. u bu au, u au bu. c U du 0, d a b

J! "#$ %"& ( ) ) ) " *+, -./0-, *- /! /!+12, ,. 6 /72-, 0,,3-8 / ',913-51:-*/;+ 5/<3/ +15;+ 5/<3=9 -!.1!-9 +17/> ) ) &

Εφαρμοσμένα Μαθηματικά ΙΙ

ΠΑΝΕΠΙΣΤΗΜΙΟ ΑΙΓΑΙΟΥ ΣΧΟΛΗ ΕΠΙΣΤΗΜΩΝ ΤΗΣ ΙΟΙΚΗΣΗΣ ΠΡΟΓΡΑΜΜΑ ΜΕΤΑΠΤΥΧΙΑΚΩΝ ΣΠΟΥ ΩΝ ΜΕΤΑΠΤΥΧΙΑΚΟ ΙΠΛΩΜΑ ΙΟΙΚΗΣΗΣ ΕΠΙΧΕΙΡΗΣΕΩΝ ΜΕ. Ι..Ε.

!"#$ "%&$ ##%&%'()) *..$ /. 0-1$ )$.'-

Περιεκτικότ ητα. Clamoxyl. Clamoxyl 500 mg Καψάκιο, σκληρό

Cyklokapron 100 mg/5 ml Ενέσιμο διάλυμα Ενδοφλέβια χρήση. Exacyl mg/5 ml Ενέσιμο διάλυμα Ενδοφλέβια χρήση

ΠΑΡΑΡΤΗΜΑ Ι ΠΕΡΙΛΗΨΗ ΤΩΝ ΧΑΡΑΚΤΗΡΙΣΤΙΚΩΝ ΤΟΥ ΠΡΟΪΟΝΤΟΣ

ΠΑΡΑΡΤΗΜΑ Β. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ĐỀ SỐ 1. ĐỀ SỐ 2 Bài 1 : (3 điểm) Thu gọn các biểu thức sau : Trần Thanh Phong ĐỀ THI HỌC KÌ 1 MÔN TOÁN LỚP O a a 2a

Το άτομο του Υδρογόνου

Sandimmun 50 mg/ml Πυκνό διάλυμα για παρασκευή διαλύματος προς έγχυση 50 mg/ml SANDIMMUN 50 mg/ml Πυκνό διάλυμα για παρασκευή διαλύματος προς έγχυση

ΠΑΡΑΡΤΗΜΑ Ι ΠΕΡΙΛΗΨΗ ΤΩΝ ΧΑΡΑΚΤΗΡΙΣΤΙΚΩΝ ΤΟΥ ΠΡΟΪΟΝΤΟΣ

! "# $ % $&'& () *+ (,-. / 0 1(,21(,*) (3 4 5 "$ 6, ::: ;"<$& = = 7 + > + 5 $?"# 46(A *( / A 6 ( 1,*1 B"',CD77E *+ *),*,*) F? $G'& 0/ (,.

ΑΝΑΡΤΑΤΑΙ ΣΤΟ ΙΑ ΙΚΤΥΟ ΕΛΛΗΝΙΚΗ ΗΜΟΚΡΑΤΙΑ

Ισχυροί και ασθενείς ηλεκτρολύτες μέτρα ισχύος οξέων και βάσεων νόμοι Ostwald

Στο φίλο μας που έφυγε κι όμως για μας είναι ακόμα εδώ

ΛΙΓΕΣ ΣΚΕΨΕΙΣ ΓΙΑ ΤΗ ΖΩΓΡΑΦΙΚΗ ΤΟΥ ΓΙΑΝΝΗ ΣΤΕΦΑΝΑΚΙ

SIEMENS Squirrel Cage Induction Standard Three-phase Motors

2013/2012. m' Z (C) : V= (E): (C) :3,24 m/s. (A) : T= (1-z).g. (D) :4,54 m/s

Παραδείγματα Γραμμικοί Μετασχηματισμοί

ΠΛΗΡΟΦΟΡΙΑΚΟ ΔΕΛΤΙΟ ΑΣΦΑΛΕΙΑΣ. Methanol

Vers un assistant à la preuve en langue naturelle

Συστήματα Μικροϋπολογιστών

#""$%% 3 η!"&'"$% "( " '$#&" A. 16, ε!"

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

SOL GMM BALANCED FUND

ROVER (MG ROVER GROUP LTD)

Το αρχείο αυτό περιέχει Φύλλα Οδηγιών Χρήσης για τις παρακάτω μορφές του φαρμακευτικού προϊόντος Retrovir

tel , version 1-7 Feb 2013

Polarizacija. Procesi nastajanja polarizirane svjetlosti: a) refleksija b) raspršenje c) dvolom d) dikroizam

Η γεωργία στην ΕΕ απαντώντας στην πρόκληση των κλιματικών αλλαγών

14PROC

B. ΦΥΛΛΟ ΟΔΗΓΙΩΝ ΧΡΗΣΗΣ

ΜΑΘΕΤΕ ΠΕΡΙΣΣΟΤΕΡΑ. ML18 και ML20 Ακουστικό Bluetooth

ΓΗ ΚΑΙ ΣΥΜΠΑΝ. Εικόνα 1. Φωτογραφία του γαλαξία μας (από αρχείο της NASA)

! "# " #!$ &'( )'&* $ ##!$2 $ $$ 829 #-#-$&2 %( $8&2(9 #."/-0"$23#(&&#

ΑΝΑΡΤΗΤΕΑ ΣΤΟ ΔΙΑΔΙΚΤΥΟ

ΜΑΘΕΤΕ ΠΕΡΙΣΣΟΤΕΡΑ. Ακουστικά ML10 και ML12 Bluetooth

p p ΓΡΑΜΜΙΚΗ ΕΚΤΟΝΩΣΗ Ι Ορισµένη ποσότητα ιδανικού µονατοµικού αερίου (Cv=3R/2) εκτελεί την

ΤΟ ΣΥΣΤΗΜΑ ΕΛΑΤΗΡΙΟ ΣΩΜΑ ΜΕ ΤΗ ΒΟΗΘΕΙΑ ΝΗΜΑΤΟΣ

met la disposition du public, via de la documentation technique dont les rιfιrences, marques et logos, sont

&,'-- #-" > #'$,"/'3&)##3!0'0#!0#/# 0'0';&'"$8 ''#"&$'!&0-##-""#;-# B

A Convolutional Neural Network Approach for Objective Video Quality Assessment

SUPPLEMENTAL INFORMATION. Fully Automated Total Metals and Chromium Speciation Single Platform Introduction System for ICP-MS

Νόµοςπεριοδικότητας του Moseley:Η χηµική συµπεριφορά (οι ιδιότητες) των στοιχείων είναι περιοδική συνάρτηση του ατοµικού τους αριθµού.

Για να εμφανιστούν σωστά οι χαρακτήρες της Γραμμικής Β, πρέπει να κάνετε download και install τα fonts της Linear B που υπάρχουν στο τμήμα Downloads.

Στοιχειώδεις τελεστές στην άλγεβρα των adjointable τελεστών σε Hilbert πρότυπα

KIẾN THỨC CÓ LIÊN QUAN

Transcript:

XAASHIDA MACLUUMADKA DAWADA: WARBIXIN KU SOCOTA ISTICMAALAHA Cerazette Kiniin-dahaarle 75 mg ah Desogestrel Si taxadir leh u akhri xaashidan macluumaadka ka hor inta aanad bilaabin isticmaalka dawadan. Kaydso xaashidan macluumaadka, waad u baahan kartaa mar kale in aad akhrido eh. Haddii aad qabto su aalo kale oo dheeraad ah, waydii dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga. Daawadan adiga ayaa laguu qoray. Ha siin dad kale. Way dhaawici kartaa iyaga, xiitaa haddii calaamadaha ay isku arkeen u egyihiin kuwaaga. Haddii waxyeellooyinka qaarkood kugu xumaadaan ama aad aragto waxyeellooyin aan lagu xusin warbixintan, la xiriir dhakhtarka ama shaqaalaha farmasiiga. Xaashidan macluumaadka dawada, waxad ka helaysaa warbixin ku saabsan: 1. Waa maxay Cerazette, maxaase loo isticmaalaa? 2. Ka hor inta aanad isticmaalin Cerazette 3. Sida aad u isticmaalayso Cerazette 4. Waxyeellooyinka ka iman kara 5. Sida loo xafidayo Cerazette 6. Macluumaad kale 1. WAA MAXAY CERAZETTE, MAXAASE LOO ISTICMAALAA? Cerazette waxa loo isticmaalaa si looga hortago uurka. Cerazette waxa ku jira xaddi yar oo ka mid ah hormoonada jinsiga ee haweenka, oo ah baroojesteroonka desogestrel. Sidaa darteed ayaa Cerazette loogu magacaabaa minipiller. Si ka duwan Kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka, kuma jiro minipiller-ka wax ostereyeen ah oo kabaya gestagen-ka. Minipiller-yada badankoodu waxay u shaqeeyaan inay ka hortagaan inay shahwaddu gaarto makaanka laakiin mar walba kama joojiso unugyada ugxanta inay bislaadaan, taasoo ah saamaynta ugu weyn ee Kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurku leeyahay. Cerazette waxay kaga duwantahay minipiller-yada kale inay leedahay xaddii ku fulan oo ay badiyaaba kaga hortagto ukun soo deynta. Sidaa darteed Cerazette waxay ku siinaysaa difaac wanaagsan oo xagga uurka ah. Si ka duwan kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka, waxa Cerazette isticmaali kara dumarka aan qaadan karin ostereyeen-ka ama dumarka nuujinaya. Hal dhibaato ayaa ah in dhiigyadu noqon karaan qaar aan joogto ku iman marka la isticmaayao Cerazette. Waxa kale oo bogga 1 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

dhici karta in aanad wax dhiig ahba helin. 2. KA HOR INTA AANAD ISTICMAALIN CERAZETTE Si la mid ah hormoonada kale ee lidka uuraysiga, ma difaacayso Cerazette infakshanka HIV (Aids) ama cudurrada kale ee galmada lagu kala qaado. Ha isticmaalin Cerazette Haddii aad ellerji (xasaasiyad) ku leedahay desogestrel ama wax ka mid ah maaddooyinka kale ee ay ka samaysantahay Cerazette. Haddii aad qabtid xanuunka dhiigxinjirowga (trombossjukdom). Dhiig-xinjirow waa in dhiig-xiran ku samaysmo xididdada dhiigga midkood (tusaale ahaan lugaha (dhiigxinjirow ku dhaca dhiig-arooriyaha hoose) ama sambabada( lungemboli)) Haddii aad qabto ama uu kugu dhacay joonis/cagaarshow (maqaarka oo hurdi noqda) ama beer xanuun daran oo aanu qiimihii beerku caadi ku soo noqon. Haddii aad qabto ama aad isaga shakisantahay kansar oo xasaaasi u ah hormoonada jinsiga, sida qaar noocyada kansarka naasaha ka mid ah. Haddii aad qabto dhiigfuran macdanta ah oo aan weli la shaybaarin. Haddii uu waxyaalahaas midkood ku quseeyo, u sheeg dhakhtarkaaga/umulisadaada caafimaadka inta aanad isticmaalin Cerazette. Waxa dhici karta in lagu siiyo talobixin ah inaad isticmaasho qaab ka hortag uuraysi ah oo aanay ku jirin hormoonno. Si dhakhso ah ula xiriir dhakhtarkaaga/umulisadaada haddii xaaladahaas midkood kugu soo baxo, marka aad isticmaasho Cerazette markii kuugu horraysay. Taxadir gaar ah ka samee Cerazette U sheeg dhakhtarkaaga/ umulisadaada caafimaadka inta aanad bilaabin isticmaalka Cerazette: Haddii aad qabto ama uu kugu soo dhacay kaansarka naasaha; Haddii aad qabto kansarka beerka, markaa meesha lagama saari karo suurtogalnimada saamaynta Cerazette haddii aad qabto dhiigxinjirow Haddii aad qabto macaan Haddii aad qabto suuxdin/qallal (fiiri qaybta Isticmaalka dawooyin kale ) Hadd aad qabtid tiibay/tiibisho (fiiri qaybta Isticmaalka dawooyin kale ) Haddii aad qabtid dhiigkar Haddii aad qabto ama uu kugu dhacay kloasma (oo ah baro-baro maqaarka ah oo ah hurdicawlan, gaar ahaan wajiga); haddii ay taasi jirto iska ilaali iftiinka badan ee qorraxda iyo fallaaraha ultraviolet. bogga 2 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Marka la isticmaalayo Cerazette ayada oo la qabo xaaladahaas kor ku xusan midkood, waxad u baahan kartaa baaritaanno dheeraad ah. Dhakhtarkaaga/ umulisadaada ayaa kuu sharrixi doonta. Kansarka naasaha Si joogto ah u baar naasahaaga oo la xiriir dhakhtarkaaga/ umulisadaada caafimaadka isla marka aad ku aragto naasahaaga wax buro ah. Kansarka naasuhu wuxu ku badan yahay dumarka isticmaala Kiniinka ka hortagga uurka marka la barbar dhigo dumarka la da da ah ee aan isticmaalin. Haddii dumarku joojiyaan kiniinka ka hortagga uurka waxa si tartiib tartiib ah u yaraanaya halistii, ilaa ay toban sano ka dib la mid noqoto sida dumarka aan weligood isticmaalin kiniinka ka hortagga uurka. Kansarka naasuhu waa ku naadir dumarka ka yar 40 jirka laakiin halistu waxay la kordhaysaa da da qofka dumarka ah. Sidaa darteed waxay noqonayaan dhacdooyinka la shaybaaray ee kansarka naasuhu mid ku badan da da weyn. Muddadii ay qofka dumar ahi isticmaalaysay kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurku wax macno ah ma leh. 10 000 oo kasta oo ah dumarka isticmaala kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka ilaa shan sano, kuna joojiya eyniga 20 jirka waxa laga heli doonaa wax ka yar hal dhacdo oo dheeraad ah oo kansarka naasaha ah markii la joojiyey camaliyadda ka dib 10 sano, marka laga yimaaddo 4ta caadi ahaan laga helo eynigan. Sidaas oo kale ayey 10 000 ee dumar ah ee isticmaala kiniinka ka hortagga uurka ilaa shan sano, iskagana joojiya eyniga 30 jirka, waxa laga helayaa shan dhacdo oo dheeraad ah oo aanay ku jirin 44ka caadiga u ah eynigan. 10 000 ee haween ah ee isticmaala kiniinka ka hortagga uurka ilaa shan sano ee iskaga joojiya eyniga 40 jirka waxa laga heli doonaa 20 dhacdo oo dheeraad ah oo aanay ku jirin 160 kii caadiga u ahaa da dan. Halista kanskarka naasaha ee dumarka isticmaala minipillerka sida Cerazette waxa loo arkaa mid la barbar dhigi karo halista dumarka isticmaala kiniinka ka hortagga uurka, laakiin caddayntu uma xoog badna sida taas. Kansarka naasaha ee laga helo dumarka isticmaala kiniinka ka hortagga uurka wuxu u muuqdaa mid aan u fidin sida ka laga helo dumarka aan isticmaalin kiniinka ka hortagga uurka. Lama oga in kala duwanaanshaha halista kansarka naasuhu yahay mid uu sababay kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurku. Waxay noqon kartaa in dumarka isticmaala kiniinka ka hortagga uurka badiyaaba la baaro, si kansarka naasaha mar hore looga ogaado. Dhiig-xinjirow (Trombos) Dhakhso u raadi dhakhtarkaaga/umulisadaada haddii aad aragto astaamo ay suurtogal tahay inay sheegayaan dhiigxinjirow (xiitaa fiiri baaritaanno joogto ah ). Dhiigxinjirow(Trombos) waa samaysanka guntimo dhiiga oo xannibi kara xididdada dhiigga. Dhiigxinjirowyadu waxay marmar ka dhacaan xididdada arooriya dhiigga ee lugaha (xinjirowga arooriyaha dhiigga ee hoose). Haddii dhiig-xidhan noocaas ahi ka soo fuqo xididka arooriyaha ah ee uu ku samaysmay, wuxu iman karaa halbawlaha dhiigga qaada ee sambabada, waxanu sababi karaa waxa loo yaqaan sambab xidhan (lungemboli). Sambaba-xiranku wuxu noqon karaa xaalad halis-nololeed ah. Dhiig-arooriye xannibanku waa naadir iyo dhif. Waana wax dhici kara haddii kiniinka ka hortagga uurka la isticmaalo iyo haddii kaleba. Waxa kale oo uu iman karaa uurka dhexdiisa. Halista marka la isticmaalayo kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka la xoojiyey, way ka weyntahay marka aan la isticmaalahayn kiniinka ka hortagga uurka. bogga 3 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Halista minipiller-ka sida Cerazette waxa loo arkaa inay ka yartahay ta kiniinka ka hortagga uurka uu ku jiro osterjeen (kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurka) Baaritaanno joogto ah Marka aad isticmaalayso Cerazette, wuxu dhakhtarkaagu kuu sheegayaa marka aad u soo laabanayso baaritaan kale. Inta jeer ee aad u baahantahay baaritaan iyo waxa uu baaritaankasi ka koobanyahay way ku kala duwanyihiin dadku qof qof ahaan. Sida ugu dhakhsaha badan ula xiriir dhakhtarkaaga: Haddii aad ka dareento xanuun daran ama barar labada lugood midkood, xanuun naasaha ah oo aan la sharrixi karin, neefqabatow, qufac aan caadi ahayn, haddii weliba ay weheliso candhuuf dhiig lihi (taas oo astaan u noqon karta dhiigxinjirow). Haddii aad si kedis ah oo daran aad xanuun uga dareento caloosha ama haddii maqaarku yeesho midab jaalle ah (oo astaan u noqon karta dhibaato beerka ah). Haddii aad kuus ka dareento naaska (taas oo astaan u noqon karta kansar naaseed) Haddii aad si kedis ah u yeelato xanuun daran oo xagg hoose ee caloosha ah (taas oo astaan u noqon karta uur ku samaysmay makaanka bannaankiisa) Haddii aad waadhka taallo ama qalliin weyn lagugu samayn doono (la tasho dhakhtarkaaga ugu yaraan afar wiig ka hor) Haddii aad xagga macdantan ku yeelato dhiigfuran aan caadi ahayn oo badan Haddii aad ka shakido in aad uur leedahay. Isticmaalka dawooyin kale U sheeg dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiga haddii aad qaadatid ama aad dhawaan qaadatay dawooyin kale ama dawooyinka dabiiciga ah, oo ay ku jiraan dawooyinka lagu iibsado bilaa warqad dhakhtar. Dawooyinka kale qaarkood waxay saamayn karaaan Kiniinka ka hortagga uurka si aanu sax ah ugu shaqayn. Kuwan waxa ku jira dawooyinka loo isticmaalo daweynta: Qallalka/suuxdinta (Tusaale ahaan primidon, fenytoin, karbamazepin, oxkarbazepin, felbamat iyo fenobarbi- tal) Tiibisho/qaaxo (tusaale ahaan rifampicin) Cudurka Aidiska (tusaale ahaan ritonavir) ama infakshannada kale (griseofulvin) Shuban aan rasmi ahayn (medicinskt kol) niyadjabsan ama diiqadaysan (dawooyinka dabiiciga ah ee uu ku jiro geedka johannesört (Hypericum perforatum)). Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya haddii aad u baahantahay difaac xoojin ah iyo muddada loo baahanyey. Cerazette waxa kale oo ay saamayn kartaa waxtarka dawooyinka kale, ayadoo kordhinaysa waxtarka (sida dawooyin ay ku bogga 4 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

jirto cyklosporin) ama way yaraynaysa waxtarka. Isticmaalka dhallinyarada Lama hayo wax macluumaad ah oo quseeya saamaynta xagga waxtarka iyo nabadgelyada ee dhalinyarada ka yar 18 jir. Uurka iyo naas naas-nuujinta Uurka Ha isticmaalin Cerazette haddii aad uur leedahay ama aad ka shakisantahay in aad uur leedahay. Naasnuujin Cerazette waxa isticmaali kara dumarka nuujinaya. Cerazette wax raad ah kuma yeelanayso samaysanka ama tayada caanaha naaska. Xaddi yar oo ka mid ah qaybaha shaqaynaya ee Cerazette ayaa u gudba caanaha hooyada. Caafimaadka carruurta ay dhaleen dumar isticmaalay Cerazette 7 bilood oo ah intii ay naaska nuujinayeen, ayaa la dabagalay ilaa ay noqonayeen 2,5 jir. Wax saamayn ah oo taban laguma arag koritaankooda iyo horumarkooda. U sheeg dhakhtarkaaga/umulisadaada haddii aad nuujinayso oo aad rabto inaad isticmaasho Cerazette. Awoodda baabuur wadista iyo isticmaalidda mishiinada Ma jiro wax tilmaamaya in wax saameyn ah uu isticmaalka Cerazette ku leeyahay awoodda falcelinta ama ka-fiirsashada. Warbixin muhiim ah oo ku saabsan maaddo ku jirta Cerazette Cerazette waxa ku jira maaddada laktos (sonkorta caanaha). La xidhiidh dhakhtarkaaga ka hor inta aanad bilaabin Cerazette haddii aanad xammilin noocyada sonkorta qaarkood. 3. SIDA AAD U ISTICMAALAYSO CERAZETTE Goorta iyo sida aad u qaadanayso kiniinnada Cerazette kastaa waxay ka koobantahay 28 xabbo oo kiniin ah. Fallaaro ayaa ku daabacan xagga hore ee khariiddada, ee kiniinada dhexdooda. Khariidadda xaggeeda dambe waxa ku yaal maalmaha todobaadka oo ku daabacan bac-bireed yar. Xabbad kiniin ah oo kastaa waxay u taagantahay maalin todobaadka ka mid ah. Markasta oo aad bilaabayso khariidad cusub, waxad xabbad kiniin ah ka qaadanaysaa laynka ugu sarreeya. Ha ku bilaabin xabad kiniin ah oo kasta. Haddii aad tusaale ahaan kiniin qaadanayso maalin arbaco ah, waxad kiniinka ka qaadanaysaa laynka ugu sarreeya ee ay ku qorantahay ONS. Sii wad in aad xabbad kiniin ah qaadato maalin kasta ilaa khariidadu madhnaato, mar walba la soco jihada fallaarta. In aad ka hubiso khariidadda gadaasheeda ayaad mar walba si sahlan uga arki kartaa in aad qaadatay kiniinkii maanta. Kiniinnadaada qaado qiyaastii wakhti isku beegan maalin kasta. Kiniinka dhan waxa lagu liqayaa biyo. Waxad heli kartaa dhiig marka aad qaadanayso Cerazette laakiin si caadi ah ayaad u wadaysaa qaadashada kiniinka. Marka ay dhammaato khariidad, waxad bilaabaysaa khariidadda Cerazette ah oo cusub maalinta xigta- yacnii adiga oo aan kiniinka kala joojin iyo adiga oo aan sugin dhiig kale. bogga 5 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Khariidadda koowaad ee Cerazette Haddii aanad isticmaalin dawo ka hortag oo hormoon ah bishii ugu dambaysay Sug ilaa inta ay caadadu bilaabanayso. Qaado kiniinka Cerazette ee ugu horreeya, maalinta ugu horraysa dhiiggaaga. Uma baahnid wax difaac ah oo dheeraad ah. Waxa kale oo aad bilaabi kartaa isticmaalka maalinta 2-5aad ee xaydkaaga laakiin markaa waa in aad isticmaasho difaac dheeraad ah (sida tusaale ahaan kondhom), todobada maalmood ee ugu horreeya dhexdooda. Haddii aad ka soo beddelato kiniin la xoojiyey oo ka hortagga uurka ah (p-piller), guraanta ka hortagga uurka (p-ring) ama balastarka ka hortagga uurka (p-plåster) Waxad bilaabi kartaa kiniinkaaga ugu horreeya ee Cerazette maalinta ka dambaysa markii aad qaadatay kiniinkaagii la xoojiyey ee ka hortagga uurka ee ugu dambeeyey, ama isla maalinta aad iska bixisay giraantaada ka hortagga uurka (p-ring) ama aad iska jartay balastkaaga ka hortagga uurka (taas macneheedu waxa weeye in aanad yeelanahayn wiig bilaa kiniin ah, bilaa giraan ah ama bilaa balastar ah). Haddii sidoo kale kiniinka la xoojiyey ee ka hortagga uurkaaga aanay ku jirin kiniin bilaa hormoon ah (khariidadda 28ka ah) waxad bilaabi kartaa Cerazette maalinta ka dambaysa markii aad qaadato kiniinka firfircoon ee ugu dambeeya (haddii aanad hubin ka uu yahay kiniinku waydii dhakhtarkaaga/umulisadaada ama shaqaalaha farmasiiga). Haddii aad raacdo tilmaamaha uma baahnid in aad isticmaasho wax difaac ah oo dheeri ah. Waxa kale oo aad bilaabi kartaa maalinta ugu dambaysa wiigga bilaa kiniiniga, bilaa giraanta ama bilaa balastarka ah, laakiin markaa waa in aad isticmaasho difaac dheeraad ah (sida kondhom), todobada maalmood ee u horreeya. Haddii aad ka soo bedelato minipiller kale Waxad joojin kartaa minipiller oo aad bilaabi kartaa Cerazette maalin alla maalinta aad rabto. Uma baahnid wax difaac ah oo dheeraad ah. Haddii aad ka soo bedelato irbadda ka hortagga uurka (p-spruta), p-stav ama gariirad hormoon ah Ka bilaw Cerazette maalintii aad qaadan lahayd irbadda ka hortagga uurka (p-spruta) ama maalintii la soo bixin lahaa p-stav-kaaga ama gariiraddaada hormoonka ah. Uma baahnid wax difaac ah oo dheeraad ah. Haddii markaas uun aad dhashay Waxad bilaabi kartaa Cerazette 21 ilaa 28 cisho ka dib dhalitaanka. Haddii aad bilawdo wakhti intaas ka dambeeya waa in aad isticmaasho difaac dheeri ah todobada cisho ee ugu horreeya ee aad qaadanayso kiniiniga. Haddii aad galmo samaysay waa in aad hubsato in aanad uuraysan inta aanad bilaabin Cerazette. Warbixin ku saabsan nuujinta waxad ka heli kartaa ciwaanka ah uurka iyo nuujinta. Sidoo kale dhakhtarkaaga/umulisadaada ayaa talo ku siin karta. Haddii aad isla markaas uun dhicisay ama ilmo iska soo ridday Dhakhtarkaaga ayaa talo ku siinaya Haddii aad isticmaasho Cerazette ka badan intii kugu habboonayd: Ma jiraan warbixino ku saabsan saamayno dhaawac leh oo khatar ah, haddii la qaato kiniin badan oo Cerazette ah mar keli ah. Calaamadaha iman karaa waa yalaalugo iyo mantag, hablaha yaryarna dhiig yar ayaa ka iman kara macdantan. Warbixin dheeri ah kala xiriir bogga 6 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

dhakhtarkaaga ama xarunta warbixinta sunta (telefoon 112). Haddii aad illowdo in aad qaadato hal kiniini ama ka badan Haddii aad kiniinga ka habsaanto wax ka yar 12 saacadood, markaa saamayn kuma yeelanayso difaaca uurka ee Cerazette. Qaado kiniinkii aad seegtay sida ugu dhakhsaha badan ee aad u xasuusato, dabadeed ka kalena wakhtigiisii caadiga ahaa ku qaado. Haddii aad kiniiniga ka habsaanto wax ka badan 12 saacadood, markaa difaacii uurka ee Cerazette wuu yaraan karaa. Mar kasta oo ay bataan kiniiniyada aad xiriirka u illowdaa, waxa kordhaya yaraanta difaaca. Qaado kiniinkii aad seegtay sida ugu dhakhsaha badan ee aad u xasuusato, dabadeed ka kalena wakhtigiisii caadiga ahaa ku qaado. Sidoo kale isticmaal difaac dheeraad ah (sida kondhom) todobada cisho ee ku soo xiga. Haddii aad seegtay xabbad ama kiniinno ka badan wiiggii kuugu horreeyey hawsha, oo aad galmana samysay wiiggii ka horreeyey illoobidda kiniinka, waxa jirta halis ah in aad uuraysatay. Talo waydii dhakhtarkaaga/umulisadaada. Haddii aad qabto calool-xanuun (mantag, shuban daran) Raac isla taladii marka kiniinka la illoobo. Haddii aad mantagtay ama aad isticmaashay dhuxuldaaweed h 3-4 ka dib markii aad qaadatay kiniiniga Cerazette ama uu kugu dhacay shuban daran, waxa dhici kara in walxihii firfircoonnaa aanu jirku qaadan. Haddii aad joojinayso isticmaalka Cerazette Waad joojin kartaa Cerazette markii aad doonto. Laga bilaabo maalinta aad joojiso, ma tihid qof ka difaacan uur. Haddii aad qabto su aalo dheeri ah oo ku saabsan dawadan la xiriir dhakhtarkaaga, umulisada ama shaqaalaha farmasiiga. 4. Waxyeellooyinka jiri kara Sida dawooyinka oo dhan, waxay Cerazette yeelan kartaa waxyeellooyin laakiin adeegsade kastaa wax kuma noqdo. Waxyeellooyin khatar ah oo lala xiriiriyo isticmaalka Cerazette waxa lagu qeexay qaybaha kansarka naasaha iyo dhiigxinjirowga ee qaybta 2 ee si gaar ah uga taxadir Cerazette. Waxa habboon in aad akhrido warbixintan oo aad la xiriirto dhakhtarkaaga haddii aad u baahantahay. Dhiigidda macdantu waxay badiyaaba noqonaysaa mid aan joogto ahayn marka aad isticmaalayso Cerazette. Wuxu noqon karaa dhiig dhibicdhibic ah oo aan u baahnayn in caado-dhawr la xirto ama dhiigid shabahda xayd yar oo u baahan in la xirto cudbiga xaydka. Waxa kale oo dhici karta in caadadu si buuxda u baaqato. Dhiigista aan joogtada ahayni kama dhigna in difaacii uuraysiga ee Cerazette uu yaraaday. Guud ahaan uma baahnid in aad wax samayso ee iska wad uun in aad isticmaasho Cerazette. Dhinaca kale haddii dhiiggu noqdo mid badan oo wakhti dheer, waxad la xiriiraysaa dhakhtarkaaga/umulisadaada. bogga 7 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

isticmaalieyaasha Cerazette waxay soo sheegeen waxyeellooyinkan soo socda: qaar caadi ah (lagu arko wax ka badan 1 boqolkii dumar ahba) Aan caadi ahayn (lagu arko wax ka badan 1 1000 kiiba laakiin dhif ku ah 1 boqolkii dumar ahba) Naadi (lagu arko si naadir ah wax ka yar 1 1000 kii qof ee dumar ah) bogga 8 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Isbedel dabeecadeed niyadjab hammada galmo oo yaraata (libido), madax-xanuun, yalaalugo findoob hafeefasho naas caado baaqata ama aan joogto ahayn, miisaanka oo kordha Infakshan macdanta ah dhib ka mudasho caagga aragga, mantag Timo daadasho, caado xanuun leh, finan biyo leh oo ka soo baxa siddeyaasha ukunta (cystor), daal Jir ka soo bax, barbarar jireed, finan buluug-casaan ah oo xanuun badan (knölros eller erythema nodosum) Ayada oo aan ku xirnayn waxyeellooyinkaas, waxa naasaha ka iman kara dheecaan. Dhakhso ula xiriir dhakhtarkaaga haddii aad dareento astaamo ka soobax sida barar ah wejiga, carrabka ama dalqada, wax liqista oo ku dhibta ama finan iyo neefsiga oo ku dhiba. Haddii waxyeellooyinka qaarkood sii xumaadaan ama aad aragto waxyeellooyin aan halkan lagu magacaabin, la xiriir dhakhtarkaaga ama shaqaalaha farmasiiga. 5. SIDEE LOO XAFIDYAA CERAZETTE Waxa la dhigayaa meel aanay arki karin oo tiigsan karin carruurtu. Waxa la isticmaalayaa taariikhda dhicitaanka ka hor ee ku xusan Utg.dat ka dib. Taariikhda dhicitaanku waa maalinta ugu dambaysa bisha la xusay. Cerazette uma baahna tilmaamo xafidaadeed oo gaar ah. Dawada laguma tuurayo bullaacadaha iyo qashin qubka cuntada. Waydii shaqaalaha farmasiiga sida laga yeelayo dawooyinka aan la isticmaalayn. Tallaabooyinkaasi waa si loo difaaco bey ada. 6. Macluumaa dheeraad ah Caddaynta waxa ku jura I - Walaxda firfircooni waa: desogestrel (75 mg) - Maaddooyinka kale ee uu ka koobanyahay waa: Kolloidol, kiseldioxid bilaa biyo ah, Allrac-α-tokoferol, dhuuxa gellayda, povidon, stearinsyra, hypromellos, makrogol 400, talk, titandioxid (E171) iyo laktosmonohydrat (fiiri xiitaa warbixin muhiim ah oo ku saabsan maaddo ku jirta Cerazette qaybta 2). Muuqaalka dawada iyo qiyaasta ay leegyihiin baakaduhu Baakad daabacan oo ay ku jiraan 28 xabbo oo kiniin dahaarle ah. Kiniinadu waa caddaan wareegsan oo labada dhinac mid ahaan ay kaga taallo kv/2, dhinaca kalena ORGANON*. Baakad kastaa waxay ka kooban tahay 1,3, 6 ama 13 khariidadood oo mid waliba ku baakad garaysan tahay bac alumuuniyom ah. Waxa dhici karta in aan la suuq geyn baakadaha kala duwan oo dhan. bogga 9 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25

Cidda haysata ruqsadda iibinta iyo samaynta Cidda haysata ruqsadda iibinta NV Organon, P.O. Box 20, NL-5340 BH Oss, Nederländerna Cidda samaysay Organon (Ireland) Ltd. Drynam Road, P.O. Box 2857, Swords, Co. Dublin, Irland Warbixinta waxa bixinaya Merck Sharp & Dohme (Sweden) AB Box 7125 192 07 Sollentuna Tel: 077-570 04 88 Dawadan waxa laga ansixiyey waddamada iskaashiga reer Yurub ayada oo leh magacyadan: Osteeriya, Biljam, Qubrus, jamhuuriyadda Jeegga, Dheenmaarig, Istooniya, Fiilaand, Jarmalka, Giriigga, Hangari, aysland, Ayrland, Talyaani, Laatfiya, Litweyniya, Luksomboor, Maalta, Nederlaan, Noorwey, Boolen, Boortoqiis, Islofaakiya, Iswiidhan, Ingiriis: Cerazette. Isbeyn: Cerazet. Warbixin ku saabsan dawadan waxay ku jirtaa bogga internetka ee wakaaladda dawooyinka. Warqaddan macluumaadka dawada, waxa la ansixiyey markii ugu dambaysay 2012-08-16 bogga 10 Qoraalkan waxa la daabacay 2012-10-25